Muuse Biixi oo gudbinayo Istiqaalada Xisbiga Kulmiye

0
Tuesday June 24, 2014 - 14:24:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo gudbinayo Istiqaalada Xisbiga Kulmiye

    Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa maanta dib-u-dhigay shirkii Golaha Dhexe, kaasoo mudadii loogu talagalay oo bil ahayd, maantana ku beegnayd ku qabsoomi waayey, kadib markii uu dheeraaday Khilaafka Xisbigu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa maanta dib-u-dhigay shirkii Golaha Dhexe, kaasoo mudadii loogu talagalay oo bil ahayd, maantana ku beegnayd ku qabsoomi waayey, kadib markii uu dheeraaday Khilaafka Xisbigu.

kulmiyKulan saaka ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo isugu yeedhay hogaanka ayuu kaga dalbaday in dib oloo dhigo shirka Golaha Dhexe maadaama wakhtigiisii maanta ku dhacayo, hase yeeshee Guddoomiye Muuse Biixi ayaa diiday, waxaanu Madaxweynaha ku celiyey inaan dib loo dhigayn illaa labadoodu si shakhsi ah uga Heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isla goobtii Xubnaha kale ee Hogaanka Amar ku siiyey inay imika soo saaraan go’aanka dib-u-dhigista, kuwaasoo markiiba Qalinka ku duugay in illaa bisha Sideedaad shanteeda dib loo dhigay.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxweyne Siilaanyo isla goobta ugu sheegay in uu Istiqaalad usoo qorayo xisbisgana iska casilayo, hase yeeshee ilaa hada wax jawaab ahi kamay soo bixin, waxaanay Madaxtooyaddu sugaysaa dhawaaqiisa in uu ka dhabeeyo.

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip