Xarunta cusub ee aqalka sare oo kulmi doono Cabdi Qeybdiid, C-raxman Faroole iyo Muuse Suudi (Sawiro)

0
Monday January 02, 2017 - 01:09:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta cusub ee aqalka sare oo kulmi doono Cabdi Qeybdiid, C-raxman Faroole iyo Muuse Suudi (Sawiro)

    Sii hayaha xilka ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xarun cusub oo loo diyaariyey inay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii hayaha xilka ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xarun cusub oo loo diyaariyey inay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

 


Waxay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka Shirarka.

Dhismahan ayaa waxa uu ku yaallaa degmada Shibis, waxaana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey inuu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka ee Soomaaliya kuwaasoo horey aan dalkeena uga jirin.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa uga mahad-celiyey dawladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

"Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ee gacan buuxda naga siisay dhismaha xaruntan cusub naguna wareejisay, halkani waxay noqon doontaa dhismaha ay ku shiri doonaan Xubnaha Aqalka Sare iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Cumar C/rashiid ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Senator Abshir Bukhaari, Senator Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo dhammaantood ka mahadceliyey sida wanaagsan ee Dawladda Turkigu ugu wareejisay dhismahan xarunta u noqon doona Aqalka Sare ee dalka.









Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip