Al-shabaab oo ka wrbixiyay weeraro dagaal oo ay ku qaadeen Magaalooyinka Baladweyne iyo Kismaayo

0
Wednesday November 06, 2013 - 08:25:41 in Wararka by
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo ka wrbixiyay weeraro dagaal oo ay ku qaadeen Magaalooyinka Baladweyne iyo Kismaayo

    Al-Shabab ayaa waxa uu kawarbixiyay weeraro dagaal oo ay ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ay ku kala leeyihiin Magalooyinka Beladweyne iyo Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabab ayaa waxa uu kawarbixiyay weeraro dagaal oo ay ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ay ku kala leeyihiin Magalooyinka Beladweyne iyo Kismaayo.

Afhayeenka dhanka howlgalada Al-Shabaab Sheekh C.casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Magaalada Beladweyne gaar ahaan galbeedka Magaalada uu ahaa mid ay la eegteen fariisin ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.

Abuu muscan ayaa waxa uu dagalka ku sheegay inuu ahaa mid xoogan oo ciidanka Jabuuti ay heli waayeen gurmad uga yimaadaa Magaalada Beladweyne, maadaama sida uu sheegay ay ka xireen dhinacii gurmadka uu uga imaan lahaa.

Dhanka kale afayeenka ayaa waxa uu ka warbixiyay weeraro dagaal oo ay ku qaadeen fariisinka ciidanka AMISOM ee Magaalada Kismaayo, halkaasina khasaaro hantiyadeed uu kusoo gaaray ciidamada Kenyatiga ee ay weerarka ku qaadeen

Sikastaba Al-shabaab ayaa sheegtay weeraro badan ay ku qaadeyn fariisimada Ciidamada Dowladda ayna ku waxyeeleeyeen ayadoona aysan jirin ilo ka madax banana oo arinkaani xaqiijinayo

C.llahi dayax

Shabakada Warsheekh

Xafiiska Muqdisho


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip