M.GHEDI: "Shalay maanta ayaa ka xun" (Faallo)

0
Tuesday November 12, 2013 - 20:58:54 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M.GHEDI: "Shalay maanta ayaa ka xun" (Faallo)

    Inkastoo beesha caalamku ay Soomaaliya ugu yaboohday bilyanis Dollaris ( Billions Dollar), inkastoo ay aad hoos ugu dhaceen qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaay ee lagu soo jirey dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo beesha caalamku ay Soomaaliya ugu yaboohday bilyanis Dollaris ( Billions Dollar), inkastoo ay aad hoos ugu dhaceen qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaay ee lagu soo jirey dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Inkastoo guud ahaan dalka ay ka socoto dib u dhis la yaab leh ( Astonish Rebuilding), gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, qaasatan xeebta Afasyooni ilaa Xeradii Xalane ( Ex-Bootiko), adeegyadii dadweynaha oo si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaaya dalka sida waxbarashadii aas aasiga aheyd, daryeel caafimaad oo dhowaan la filaayo inuu ka billowdo guud ahaan dalka oo dhan ( Gradually Returning public services), iyo dowlada Turkiga oo dhowaan wadooyinka Muqdisho ka dhigeysa wadooyin heer caalami ah, maamulka gobalka Banaadirna uu dhowaan wadooyinka Muqdisho qaarkood ka hirgeliyay Samaafarayaal ( Stop Lights).

Iyadoo horumar lagu tilmaami karaayo waxyaabaha kor ku xusan iyo qaar kale oo badan, ayaa waxaa nasiib-darro ah inuu shacabka Soomaaliyeed aad uga niyad-jabsanyahay sida hada wax u socdaan, asagoo markii hore uu shacabka Soomaliyeed qabay rejo fiican iyo niyad-dhisan.

Waxyaabaha uu shacabku ka niyad-jibay (Disappointment) waxaa ka mid ah:-

b) is-qabqabsi ka dhex bilowday madaxda dalka ugu sarreysa, iyadoo Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay soo shaac baxday khilaafkooda oo ku saleysan is-casil iyo maya ee dastuurku hana kala saaro, iyadoo la saadaalinaayo in midka seddaxaadna (3-aadna) uu dhowaan ku dhawaaqi doono is-maamul goballeed ka kooban lix (6) gobal, dhawaaqaas oo noqon doona qarax siyaasadeed dalka gelin doona xaalad cakiran iyo jaha-wareer siyaasadeed.

t) Sida caadiga ah, baarlamaanka oo u arka fursad qaali ah, mar kasta ee khilaaf soo kala dhex galo hoggaanka dalka ugu sarreeya, qaasatan madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarihiisa, fursadahaas oo isugu jira mid dhaqaale iyo siyaasadeedba, khilaafka ceynkaan ah xildhibaanada qaarkood waxay ula mid tahay shiribkii ahaay "Laba beelood balaayadood...Waa beerteydi oo baxdaan dhahaa".

j) Xafiismanka dowlada laga billaabo xafiiska madaxtooyada, ilaa guddoomiye degmo waxay u shaqeeyan qaab isku eg, iyadoo mas'uul kastaba xafiiska uu xukumo keensado dad ay isku jufo hoosaad yihiin, amba saaxiib ay sirta isku qarsadaan.

x) Shacabku wuxuu aad uga wal walsan yahay, qaabka loo maamuli doono Bilyanis Dollaris, shirkii dhowaan ka dhacey wadanka Belgium-ka magaala madaxdiisa ee Brussels loogu yaboohey Soomaaliya Dhaqaale fara badan, iyadoo uu wal walku sii kordhay markii si kedis ah ee is xigxiga xilalkii guddoomiyaha Bangiga dhexe isaga casileen Guddoomiye Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Guddoomiye Marwo Yusur Abrar oo labaduba ahaayeen khabiiro heer caalami ah ( International Level).

q) Shacabka Soomaaliyeed waxaa kaloo uu aad uga wal walsan yahay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaadey meelo badan oo ka mid ah dalka sida:-
Goballada dhexe, gobalka Shabellaha dhexe. gobalka Shabellaha hoose, gobalka Gedo, deegaano ka mid ah Baay iyo Bakool iyo meelo kale oo badan.

Shaley maanta ayaa ka xun ee Ilahay ha badbaadiyo Soomaaliya iyo bani'aadanka oo dhan.




Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga La Socodka Arrimaha Somalia.
Mogadishu, Somaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip