Xukuumada Somaliland oo kufashilantay sharci mamnuucayo Basaboorka Dowlada Somaliya

0
Monday November 18, 2013 - 20:29:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland oo kufashilantay sharci mamnuucayo Basaboorka Dowlada Somaliya

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidanka C.ID-da oo markasta miciin Mooda xadhiga dhalinyaro Hargeysa ka shaqeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidanka C.ID-da oo markasta miciin Mooda xadhiga dhalinyaro Hargeysa ka shaqeeya Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Ooda ka qaaday dhalinyaro shan ahayd oo ay wasaaradda Arrimaha guduhu u brfeakingxidhay Eedo la xidhiidha in ay Hargeysa ku bixiyaan Baasaaboorka Somaliga ah ee E-passport, kadib markii ay wax danbi ah oo arrintaas cadaynaya ay Xukuumaddu hor keeni kari weyday Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal C/laahi Ismaaciil ayaa soo saaray qaraarka sii daynta dhalinyaradan oo muddo shan iyo afartan cisho ah u xidhnaa Xukuumadda iyadoo ciidanka Baadhista danbiyadu ku guul daraysteen in ay keenaan danbi cadaynaya Eeda ay dhalainyaradan ku soo Oogeen.

Qaraarka Guddoomiyaha Maxkamadda oo Waaheen heshay nuqul waxa uu u dhignaa sidan:-

Ku: Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda C.I.D
Ujeedo:- Amar sii dayn Eedaysanayaal
Maxkamadda Gobolka M/jeex Hargeysa waxay idinku Amraysaa in aad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu kala yihiin:-
1. Hinda Nuur Cige ina khadra C/laahi L/28 jir
2. Maxamed Nuur Cumar Ina Caasha X Daahir L/26 jir
3. Khaalid Maxamed Nuur Ina Tiriig Cabdi L/25 jir
4. Mahad Ismaaciil Cabdi Ina Caasha Maxamuud L/23 jir
5. Barkhad Sh Xuseen Barkhad Ina Khadra Xuseen L/29 jir
Kuwaas oo ku Eedaysan Qoddobka 372,370,3666,XCG
Ka dib markii aya Maxkamadu xorriyadoodii u celisay isla maanta 17/11/2013, maadaama ay wax danbi ah ku cadaan waayeen.
Sidaa darteed waxay Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargeysa idinku amraysaa inaad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu sare ku xusan yihiin isla maanta oo ay bishu tahay 16/11/2013
Wa Bilaahi Tawfiiq
Faysal C/laahi Ismaaciil

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/Jeex

Qaraarkan ayaa ah kii labaad ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka soo saarto arrinta baasaaboor Somaliga, waxaanay Maxkamaddu mar walba xukuumadda ka dalbanaysay in ay sharci mamnuucaya hor keento, balse illaa hada waxa ay wasaaradda Arrimaha guduhu hor geyn kari la’dahay Golaha Baarlamaanka sharci arrintaas wax ka odhanaya.

Taliayaha Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan iyo taliyaha laanta baadhista danbiyadda Daahir Muuse Abraar ayaa hore baarlamaanka uga hor cadeeyey in aanay hayn sharci ay ku xidhaan dhalinayarada ka shaqaysa baasaaboorka, waxaanay hadana mar kasta ku baraarugaan marka ay soo baxdo sheekadda baasaaboorkaasi in ay dhalinyaradaasi xabsiga dhigaan iyagoo muddo shan iyo afartan cisho ah uga dhiga ciqaab aanay mutaysan.

Baasaaboor Somaliga ayaa si xawli ah uga socda dunida tan iyo intii ay xukuumadda rsamiga ahi ka dhalatay dalkaasi, hase yeeshee illaa hada Somaliland marna si qoto dheer ugamay fikirin cawaaqibka ay arrintani ku keentay dadka reer Somaliland oo xajkii u danbeeyey baahi weyni u geysay in ay qaataan Baasaaboor Somaliga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa soo saaray amar mamnuucaya isticmaalka baasaaboorka Somaliya, hase yeeshee go’aanka ay Maxkamadda Gobolku ka soo saartay ayaa u ah mid burinaya Amarka Wasiirka.

Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay xadhiga dhalinayaradaas la sii daayey in aanay wax shaqo ah ku lahayn Laanta Socdaalku, waxaanu isaga riixay dhinaca Hay’adda Sirdoonka isagoo daadifeeyey in ay xukuumaddu sii dayntooda wax saamayn ah ku leedahay.

Taliye Maxamed Cali Yuusuf waxa uu sheegay in ay xukuumaddu sanadkan soo daabacayso E-paasport ay Somaliland leedahay, waxaanu sheegay Xukuumad ahaan in ay ku shaqeeyaan oo kali ah baasaaboorka Somaliland isla markaana fulinayaan amarak wasaaraddu ku mamnuucday ka somaliga.


Xigasho: Waaheen
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip