Wariye Somali oo Filim halis ah kadiyariyay Tababarka Alshabaab (Daawo Video)

0
Tuesday December 17, 2013 - 09:19:41 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Somali oo Filim halis ah kadiyariyay Tababarka Alshabaab (Daawo Video)

    Maamulka Somaliland ee muddo ka badan 20 sano ka hor sheegey in ay dib ugala soo noqdeen madaxbanaanidoodi Soomaaliya, laakiin aan helin cid ku aqoonsata ayaa muddooyinkii u danbeeyey waxaa ka taagnaa khilaafyo siyaasadeed oo sida mawjadaha ah hadba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ee muddo ka badan 20 sano ka hor sheegey in ay dib ugala soo noqdeen madaxbanaanidoodi Soomaaliya, laakiin aan helin cid ku aqoonsata ayaa muddooyinkii u danbeeyey waxaa ka taagnaa khilaafyo siyaasadeed oo sida mawjadaha ah hadba meel isku abraaraya, mar Xisbiyo dhexdood ah, mar Gole deegaan ah ayaa hadda caasha saarey halkii u sareysey maamulka waxaana ay ka dhex aloosneyd maalmahan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Wariye Jamaal Cusmaan, oo ah Wariye Soomaaliyeed, islamarkaasna ka howlgala TV-ga Channel 4, ayaa waxa uu warbixin qatar ah kasoo diyaariyay mid kamdi ah Xerooyinka Tababarka Al-shabaab ku leeyihiin Gudaha Soomaaliya.

Al-shabaab,oo kamid ah Garabyada ugu qatarsan Urur weynaha Al-qacida, ayaa sheegatay masuuliyada Weerarkii 2 Bil ka hor ka dhacay Xaruunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

"Waxaa nahay Al-shabaab, waxaan nahay Al-qacida, waxaa nahay Argagixiso, waxaan ku tababaraneeynaa meel qarsoodi ah oo Soomaaliya kamid ah” sidaa waxaa ku heesayay dhalinyaro katirsan shabaab, oo ku tababaraneysay Xero Qarsoodi ah, markii uu wariye Jamaal kasoo duubayay Warbixinta.

safe_image.php

Xeradaan uu booqday Wariyaha, ayaa waxaa ku tababaraneysay ilaa 300 oo dhalinyaro ah, kuwaasoo mudo 6 bil ah Tababar ku qaadanaya halkaas.

Al-shbaab, waa kooxdii sheegatay masuuliyada weerarkii 2 Bil kahor lagu qaaday Westgate Mall, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 67 qof, weerarkaas ayaa laga soo bandhigay Muuqaalo Cabsi leh, waxaana la arkayay kooxda weerartay halkaas oo Rasaas ooda kaga qaadaya dad dukaameesanayay, laakiin Al-shabaab weerarkaas waxa uu u ahaa Guul weyn, waxayna hada u adeegsadaan dacaayad ahaan iyo ineey ku qortaan dhalinyaro Cusub.

Dhalinyarada Cusub ee ku biireysa Al-shabaab, ayaa waxaa la siiyaa Tababar lamid ah sida kuwii weeraray Westgate Mall.

"Fiiriya waxaan maanta Kenya ku dhignay, Nimanka sidaas sameeyay waa adinkoo kale, waxay qabeen Tababarka aad hada qaadanaysaan oo kale, Naftooda waxay u hureen Ilaaheey Dartiis, Guulna usoo hoyaan Muslimiinta” sidaa waxaa leh Cali Dheere oo Boqolaal dhalinyaro Tababar loosoo xirayay u Khudbeeynayay.

Laakiin ilaa iyo hada majiro Nin Amiir ah oo ka tirsan Al-shabaab oo is qarxiyay, ama Ilmihiisa is qarxiyeen, waxa is qarxiyaa waa uun dhalinyarada Dibadaha ka imaatay ee Maskaxda laga duufsaday, waxaa kaloo Xusid mudan in Cali Dheere Ilmihiisa ay ku noolyihiin Wadanka Sweden.

Dagaalka hanaga daayaan:

"Dhalinyarada shabaab kusoo biirta waa kuwo ka kala yimaada Caalamka, waxaa kujira kuwo Carab ah, Kenyan, xitaa waxaa leey sheegay ineey ku jiraan kuwo ka yimaada UK, laakiin waa leeydiiyay inaan mid mid u wareysto” ayuu yiri Wariye Jamaal, oo ah wariyaha Warbixintaan soo diyaariyay.

"Marar badan ayaan Kenya ku dhahnay naga fogaada, naga leexda, waa diideen, noo dhaafa Dalkeena iyo shacabkeena, naga joojiya dagaalka, laakiin digniinahaas oo dhan waa diideen dhagaha ayayna ka fureysteen, sidaas ayaan anagana ugu dirnay Fariin Xanbaarsan dhiig” sidaa waxaa yiri Cali Dheere.

"Dumarkooda kama wanaagsana Dumarkeena, Wiilashooda kama wanaagsana Wiilasheena, Caruurtooda kama wanaagsana Caruurteena, hadii ay shacabkeena dilaan, waxaan dileeynaa shacabkooda” ayuu sii raaciyay Cali Dheere.

Laakin waxaa la wada ogyahay in Shabaab ay nabad Galiyaan Ajnabiga oo ay Goowracaan Soomaalida.

Kuwo diyaar u ah ineey is qarxiyaan:

Dagaalyahanada Al-shabaab oo isugu jira dhowr qeyb, ayaa qeybta ugu shacbiyada iyo taageerada badan gudaha shabaab, waxaa la sheegaa ineey yihiin qeybta lagu magacaabo "Istish-haadiyiinta” ama kuwa is qarxiya.

Wariye Jamaal, oo Warbixintaan soo diyaariyay waxa uu leeyahay "Rumeyso ama ha rumeysan, waxaa jira dhalinyaro farabadan oo mudo sanado ah sugayay safna ugu jira ineey maalin uun is qarxiyaan”.

"Marka aan is qarxino oo shahiidno Ilaaheey maxaan ka rajeeyneeynaa Janatul Fardowsa, laakiin Gaalada iyo kuwa kale maxay Rajeeynayaan waa waxna” ayuu yiri Cali Dheere oo u Khudbeeynayay Koox u diyaar ah iney is qarxiyaan, laakiin Cali Dheere marabo inuu is qarxiyo.

Al-shabaab oo u sameysan sida Koox Argagixiso ah, waxay isugu jiraan dagaalyahano midabo kala duwan iyo Jinsiyado kala duwan wata, waxaana Sanaidiihii ugu danbeeyay Gacantooda ka baxay magaalooyin waaweyn, laakiin wali waxay maamulaan dhul ballaaran oo Somaaliya kamid ah, waxayna doonayaan ineey Doowlad iyaga hoos timaada ku dhawaaqaan.

"Weerarkii Westgate waxa uu ka dhacay Bartamaha Kenya ee Nairobi, ilaa iyo hada waxay kala garan la’yihiin in dhalinyaradii weerarkaas fulisay ay dhinteen, ama noolyihiin ama wali Kenya joogaa, taas marka waxay ku tusineysaa tabar daradooda” ayuu yiri Cali Dheere.

Halkaan ka daawo Warbixinta oo muuqaal ah:



 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip