Madaxweynaha Somalia ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan (Sawiro)

0
Sunday December 22, 2013 - 17:28:58 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1713
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somalia ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan (Sawiro)

    Muqdisho, 22 December 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafladii Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, isla markaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 22 December 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafladii Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, isla markaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan.
Xaflad daah-fur ah oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalka ku wehliyey Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiiro, xildhibaano,
diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa
Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur (Tarzan) iyo ka soo qeybgalayaal fara badan. Xafladan ayaa lagu daahfurayey Baasaboorka
cusub (e-passport), oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsanyahay.

General Gaafow ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub
oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada
muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali. General Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin
calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin. Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Tarzan ayaa sheegay
inay diyaariyeen xafiiskii diiwaangelinta oo casriyeysan, isla markaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dokumentiyada muhiimka ah. Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo dokumentiyadan ma aha kuwo been abuur lagu sameyn karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isagana sheegay in dokumentiyadan muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu
yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, isla markaana telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan
waraaqahaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daahfurka ayaa ku  dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim
u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri "Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u
fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, isla markaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka. Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn  caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada.”

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



– DHAMAAD -
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip