Go'aamo ka soo baxay shirkii Isimmada Puntland ee Garowe

0
Saturday December 28, 2013 - 15:41:13 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aamo ka soo baxay shirkii Isimmada Puntland ee Garowe

    Shirkii u socdey Isimmada Puntland ee ay uga hadlayeen qaabka uu noqonaayo marjaca guddiga khilaafaadka ayaa maanta ay ka soo abxeen go'aamo la xiriira doorashooyinka Puntland, Hoos ka akhri Go'aamada:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii u socdey Isimmada Puntland ee ay uga hadlayeen qaabka uu noqonaayo marjaca guddiga khilaafaadka ayaa maanta ay ka soo abxeen go'aamo la xiriira doorashooyinka Puntland, Hoos ka akhri Go'aamada: Ku: Guddiga Xallinta Khilaafaadka Baarlamaanka Puntland
Ogg: Mudane Cabdiraxman Maxamad Maxamuud Madaxweynaha Dawladda Puntland
Ogg: Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland
Ogg: Mudane Nicholas Kay: Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya

Isimmada Puntland shir ayey ku yeesheen Garoowe, Magaala Madaxda Dawladda Puntland, taariikhdu markey ahayd 27.12.2013. Shirka Isimmada waxaa lagu lafaguray dhinacya badan oo la xariira doorashada Puntland ee sannadka 2014, ugu dambayntiina waxaa la guddoonsadey qodobbada soo socda:

Doorashada madaxtinimada puntland waxey qabsoomeysaa wakhtigeedii oo ah 8da Janaayo.2014.
Xubnaha Xildhibaanada lama shaacin karo, lamana gudbin karo ilaa simmada marjaca ahi ay ka xalliyaan khilaafadka ka jira noqoshada xubinnimada Golaha Shacabka Puntland.
Sidoo kale Isimmadu waxey diyaar u yihiin xallinta wax kasta oo adkaada iney ka qaataan doorkooda.

Qodobadan ayaa Isimmadu u gudbiyeen isla maanta guddiga xalinta khilafaadka iyo diiwaangelinta xildhibaanada, waxaana ay guddigu madaxa saarsadeen go#aamada ka soo baxay Isimmada marjaca ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip