Islaamka iyo Qoyska Wanagsan

0
Saturday January 25, 2014 - 12:23:09 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 8863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Islaamka iyo Qoyska Wanagsan

    Islaamku waxuu ka yeelay guurka mid cibaado u ah addoomaha, oo ay Rabigood ugu dhawaanayaan, hadii si kale aan u dhignana , guurku waxaa weeye nus ama qeyb ka mid ah qofka diintiisa, taaso maalinta uu guursado uu dhamaystiray qeyb diintiisa ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaamku waxuu ka yeelay guurka mid cibaado u ah addoomaha, oo ay Rabigood ugu dhawaanayaan, hadii si kale aan u dhignana , guurku waxaa weeye nus ama qeyb ka mid ah qofka diintiisa, taaso maalinta uu guursado uu dhamaystiray qeyb diintiisa ka mid ah. Dhisida guriga ama reerka wanaagsan waa qeyb ka mid ah mujtamaca, waana asaaska mujtamaca wanaagsan halka uu ka bilaabmo. Haddaba muhiimada guurku maaha mid ku kooban in qofku u guursado hammi ama baahi jinsi ahaaneed, kaaso aan ku dhisnayn xikmadda iyo sirta ka dambaysa guurka.

Guurku maaha mid lagu gaaro dan gaar ah, sida adduunyo, lacag, magac iyo sumcad , laakiin waa mid lagu gaarayo raali ahaansho Rabbi, iyo xassilooni naf ahaaneed, iyadoo qofka uu ka dhigayo mid dhawrsoon, masuuliyad Allaah saarayna uu qaadayo, masuuliyadaas oo ah mid qofka markuu guursado imanaysa, sida masuuliyada reerka dhaqaalihiisa, tarbiyadda carruurta, hab dhaqan wanaagsan oo labada qofba ku wada noolaadaan iyo dabcan mid waliba inuu ilaaliyo xaqqa kan kale ku leeyahay.

Haddaba naftu waxii ay barato ayay dhaqangelisaa, waana mid xaqiiq ah. Qofku markuu rabo inuu guursado, waxaa habboon inuu thaqaafada guurka iyo nolosha qoyskana wax ka barto, isagoo raad raacaya Qur’aanka iyo sunnada iyo kutubta islaamiga ah ee culimadu ka qoreen guurka.

Waxaa is waydiin leh, qofka muslimka ah marka ay hor timaado kaalintan uu ku dhamaystirayo qeyb ka mid ah diintiisa, miyuu iska guursanayaa, ?. Qofkii guur usoo bandhigaba miyuu ka aqbalayaa?. Ama ma xasuustaa sifooyinka qofka uu rabo inuu nolosha la wadaago, ee durriyada wanaagsan ka dhalan karaan?

Wakhtigan aan hada noolnahay waa yartahay in qofku ka fikiro guurka kan naajixa ah , ama noqon kara mid farxad leh, maxaa yeelay waxaa laga horraysiiyay doorashada qofka wanaagsan waxyaalo aan qofka anfacayn ama noloshiisa guusheeda aan raad ku yeelanaynin, laakiin guuldarro iyo khasaare keeni kara. Waxaa badan dadka aan guurka ku dooran siffaha wanaagsan ee Islaamku ina faray, taasina waxay keentaa in guryo badan fashil noqdaan.

Waxaa laga horraysiiyay guurka dan gaar ah, dantii marka la gaadhana waxaa timaada in guurkaba ay ka muhiimsanayd dantaasi oo reerka la dhisayba waxuu u burburaa dantaas lagu gaadhay guurka, ama waxuu noqdaa mid aan ku dhisnayn farxaddii iyo noloshii saciidka ahayd ee la rabay.

Qofka guursanaya si guurku naajix ugu noqdo waxaa habboon inuu tixgeliyo oo muhiimada siiyo in guurkiisa uu ka fiirsado.

Waxaa muhiim ah ugu horrayn, in labada qof yihiin kuwo Allaah subxaanahu watacaalaa addeeca, oo xidhiidh wanaagsana la leh, hadii taasi aanay jirin, oo aanad Allaah xidhiidh la lahayn, dhinac walba oo noloshaada ah faashil ayaad ka tahay, aakhirona waa khasaare xaalkaagu hadii aad sidaas ku dhamaysato nolosha adduunka. Waxa hubaal ah qofka waajibaadka saaran kasoo bixi waayay inaanu ka soo baxayn masuuliyadda guurkana, ama aanu noqonayn mid qeyb ka noqda guriga wanaagsan dhisidiisa. Hadii labada qof ee is guursanayaa yihiin laba aan dan gaar ah isku dooran Allaah cazza wajal ku xidhan, waajibka saarana oofinaya, oo midna gaabis ahayn, waxay dhaxli karaan bi’idnillaah guri xassiloon.

Marka labaad naftaada kusoo dhis daacada Allaah subxaanahu watacaalaa, intaanad guursan ka hor, ha qabsato waajibaadkeeda, ha noqoto mid ah "nafsu mutmainah,”. Naftaada oo aad guurka ka hor soo dhistaa waxay tusaale u noqonaysaa akhlaaqda iyo tarbiyada dadka ka dhalanaya guurkaaga, iyo dhaqanka wanaagsan oo aad kula noolaato xaaskaaga. .

Maaha wax natiijo fiican aad ka gaari karto hadii aad tidhaa markaan guursado ayaan wax walba iska baran oo ku dhaqmi. Waxay keenaysaa taasi khalad badan inaad kala kulanto la qabsiga waxyaalo badan oo aanad muhiimad siinin inaad barato guurka ka hor. Nolosha lammaanahu markay bilaabanto maaha mid tababar lagu qaadanayo, oo waxyaalo aanay naftu hore usoo baran lagu dhexbaranayo guurka.

Tusaale ahaan haddii aad maanta rabto inaad shaqo dalbato, shaqadaasina ay u baahantahay shuruudo gaar ah, oo ay ka mid tahay , in waxan lagu shaqaynayo qofku aqoon hore u leeyahay, ma dalban kartid shaqadaas, maxaa yeelay aqoonteeda maba lihid mana kasoo bixi kartid, sidaaso kale guurku waxuu u baahanyahay inaad naftaada soo barto thaqaafada guurka iyo nolosha lammaanaha.

Guurkaaga oo aad u doorato qofka wanaagsan, adigoo siffaha qofka wanaagsan garanaya, waxaa uu noqonayaa mid kugu saacida nolosha aad rabto inteeda kale, siffaha qofka wanaagsana, waxaa ugu muhiimsan qof Allaah xiriir la leh waajibkii saarnaana ka soo baxay, waxii Allaah cazza wajal ka reebay ka dheer, waxii la farayna sidiisa u gudanaya.

Guurka markuu sidaas ku bilaabmo, waxaynu ka rabnaa inaynu ka dhaxalno durriyad saalix ah, oo fikirka caqliga, tarbiyada iyo hammigoodu yahay kan islaamka. U fiirso addoomaha Allaah markay doorteen dad saalix ah oo ay guurka la wadaageen , ducadoodu siday ahayd.

Suura Al-Furqaan – 74 ((ربنا هب لنا من أزواجنا وذرياتنا قرة أعين واجعلنا لمتقين إماما))

Rabbigayoow hibo noogu sii zawjaadkayaga iyo durriyadayada inay noqdaan kuwo aanu ku il doogsano, oo nagu gaadhsii darajada kuwa Allaah ka cabsaday.

Ku ducayso mar walba in Allaah kaaga yeelo durriyadaada mid aad ku doogsato, durriyada saalixa ah waa midda Qur’aanku inoo sheegay, in maalinka aakhiro dadka kuwa durriyadoodu imaanka ku raaceen , iyagana dhammaantood maalintaas uu Allaah subxaanahu watacaalaa jannada isugu keeni doono.

Suura At-Tuur.. 21 ((والذين امنوا واتبعتهم ذريتهم بأيمان الحقنا بهم ذريتهم وما التناهم من عملهم من شئ كل امرئ بما كسب رهين

Waxaa inbadan maanta dhacda in qofku ku doorto qofka kale waxyaalo aan baaqi noqonayn, ama noloshiisa raad wanaagsan ku yeelanaynin. Doorashada qofka aad guurka la wadaagaysaa waa inay noqoto in qofkaas waxyaaalo naftaada anfacaya aakhiro iyo adduunkaba aad ku doorato, aakhirona waad ku liibaani, adduunkana nolol fiican oo aad ka raali ahaato ayaad ku noolaan.

Xadiithkii rasuulka calayhi affdallu sallaatu wassalaam uu ku sheegay siffaha haweenayda loo guursado ama lagu doorto, waan wada garanaynaa, kaaso ahaa in haweenayda loo guursado affar, maalkeeda, quruxdeeda, nasabkeeda ama ehelka ay ka dhalatay, iyo diinteeda. Waxaa la sii xoojiyay oo nebigu yidhi calayhi assallaatu wassalaam, ku guulayso tan diinta leh. Halkaas waxaad ka fahmaysaa in qofka diinta leh uu yahay kan ku anfacaya, noloshaada farxadeedana raad ku yeelanaya. Laakiin qofka marka horeba gaabinaya, ee ka gaabiyay waajibkii naftiisa saarnaa, waa adagtahay inuu gudo waajibka saran iyo xaqa naf kale ay ku leedahay.

Waxaan rajaynayaa inaan is waydiyo ujeedada guurka aan ka rabno iyo sido kale inaan iswaydiino sida an ku kasban karno rer farxad iyo baraare ku dhisan?.





Source: Xikma
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip