Shacbi kala jinsi ah ee ku wallaaloobay Diinta Islaamka oo isugu soo baxay Xuska Suubanaheeni Maxamed (NNKH) GöTEBORG-SWEDEN. (SAWIRO)

0
Monday December 21, 2015 - 10:49:50 in Siyaaro by Web Admin
  • Visits: 2382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacbi kala jinsi ah ee ku wallaaloobay Diinta Islaamka oo isugu soo baxay Xuska Suubanaheeni Maxamed (NNKH) GöTEBORG-SWEDEN. (SAWIRO)

    Xili daafaha caalamka si cajiib ah ee ukala dhacayaan dabaal degyo lagu weyneenayo maalinta uu dhashay suubanaheeni Maxamed (NNKH) ayaa waxa ixtifaal weyn lagu qabtay magaalada Göteborg ee caasimada labaad dalka Sweden.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili daafaha caalamka si cajiib ah ee ukala dhacayaan dabaal degyo lagu weyneenayo maalinta uu dhashay suubanaheeni Maxamed (NNKH) ayaa waxa ixtifaal weyn lagu qabtay magaalada Göteborg ee caasimada labaad dalka Sweden. Muslimiinta kunool magaaladaGöteborg oo caan ku ah ixtifaalada lagu weyneenayo diinteena Islaamka ayaa waxa soo xaadiray madasha muslimiin kala medab gedisan hasa yeeshe ee mideesay diinteena sharafta badan ee Islaamka ,

Muxaadarooyinka qiimaha badan ee soo jeedinayeen culuma'udiinka ahlusunah ee ka kala yimid daafaha caalamka ayaa ruxay qalbiyada mucashaqiinti kasoo qeybgalay xuska kheyrul qalqilaahi Maxamed (NNKH) iyadoo sidoo kalena dhaxtaal u aheed muxaadarooyinka qasiidooyin nabi amaan ah oo xaada dhaqaajiyay xaadirinti.

Sheekha caanka ah ee Sheekh Cabdiraxman Sheekh Muxyadiin Celi oo ah Aasaasaha jameecada Ahlusunah Waljamaac ee magaaladaGöteborg ayaa towxiidka ugu qabtay madasha walaal Muslim Sweden ah oo qaataay diinteena Islaamka iyadoo sabateedi lahaa Sheekh Cabdiraxman Sheekh Muxyadiin Celli.

Walaalka soo islaamay ayaa waxa uu ahaa joornaaliiste mudo dheer saaxib la ahaa Sheekh C-raxman isagoo madasha ka sheegay in wax badan uu ka bartay diinta islaamka kadib marki arinta dacwada islaamka uu soo gaarsiyay Sheekh C-raxman Sheekh Muxyadiin taasi oo ugu dambeentina sababtay inuu ku qanco qaadashada diinta Islaamka.

Dadweynihi iyo culuma'udinki kasoo qeybgalay madasha ayaa farxad kusoo dhaweeyay walaalka qaatay diinta islaamka, mana ahan marki ugu horeysay oo Sheekh C-raxman iyo jameecadiisa ee sabab u noqdaan iney diinta Islaamka qaataa dad aan islaam aheyn taasi oo guul iyo sharaf u ah guud ahaan islaamka gaar ahaan Muslimiinta kunool wamada reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Warsheekh-Göteborg

 










































Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip