Wasiirka Haweenka Iyo Horumarinta Qoyska Puntland Oo Soo Xirtay Kalfadhigii 5-aad Ee Golaha Deegaanka Degmada Baargaal

0
Monday August 01, 2016 - 21:24:51 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Haweenka Iyo Horumarinta Qoyska Puntland Oo Soo Xirtay Kalfadhigii 5-aad Ee Golaha Deegaanka Degmada Baargaal

    Wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta qoyska dowladda Puntland Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin ayaa soo xirtay kalfadhigii 5-aad ee golaha deegaanka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo soo bilowday 20kii bishii july ee la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta qoyska dowladda Puntland Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin ayaa soo xirtay kalfadhigii 5-aad ee golaha deegaanka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo soo bilowday 20kii bishii july ee la soo dhaafay.

kalfadhigaasi oo socday muddo 11 bari ah ayaa looga dooday qodobo
badan oo horyaalay golaha deegaanka oo uu kamid ahaa ,qorshaha lixda
bilood ee sanadka ka dhiman , Ansixinta miisaaniyada iyo arrimaha
dhanka bulshada oo ay dowladda hoose ee degmada Baargaal wado.

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta qoyska dowladda Puntland
Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin oo kalfadhiga soo xirtay ayaa khudbad
dheer oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada kala
dooday xildhibaanada ayadoo ka dhagaysatay cabashooyinkii iyo
caqabadihii ay xubnaha goluhu soo gudbiyeen waxayna ballan qaaday inay
gaarsiin doonto laamaha Dawlada ay arimahaasu khuseeyaan.

intaasi kadib waxay wasiiradu booqasho ku samaysay Xarumaha Haweenka
wax lagu baro sida dugsiyada quraanka iyo guriga hooyooyinka ayadoo
halkaas shir wayn ugu qabatay ururada haweenka iyo hooyooyinka oo ay
ka dhagaysatay cabashooyinkooda waxayna u soo jeedisay inay doortaan
guddiyo matala iyo guddoon dhalinyar oo aqoon leh

ugu danbayntii waxay wasiir anisa booqatay dhismaha dugsiga Hoose
dhexe ee baargaal oo bulshada baargaal isku xilqaameen inay iyagu
dayactir taan ayadoo wasiiradu aad u bogaadisay talaabadaas waxay ku
wareejisay guddiga masuulka ka ah dayactirka lacag dhan 1000 dollar oo
wasaarada haweeku kaga qayb qaadanayso Dayactirka iskuulka

socdaalka ay wasiirada haweeku ku marayso degmada Baargaal ayaa qayb
ah socdaal dheer oo ay wasaaradu haweenka puntland ugu kuur galayso
xaaladaha haweenka iyo caruurta ee ka jirta degaanada Gobolka Gardafuu
ayadoo hada wasiiradu u sii gudubtay dhanka degmada bareeda

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip