Wax ka Ogow kulanka Xiisaha iyo Xamaasada leh ee caawa Juve Vs Inter

0
Sunday February 02, 2014 - 10:29:08 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka Ogow kulanka Xiisaha iyo Xamaasada leh ee caawa Juve Vs Inter

    LEGA SERIE A Garoonka: Juventus Stadium Waqtiga: Caawa, 10:45pm Saacada Geeska Afrika Inkastoo Juventus iyo Inter ay kulanka Derby d'Italia ciyaarayaan iyagoo ku kala jira labo marxaladood oo kale duwan, hadana labada kooxood waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LEGA SERIE A Garoonka: Juventus Stadium Waqtiga: Caawa, 10:45pm Saacada Geeska Afrika Inkastoo Juventus iyo Inter ay kulanka Derby d'Italia ciyaarayaan iyagoo ku kala jira labo marxaladood oo kale duwan, hadana labada kooxood waxaa soo wajahay barbaro niyadjab leh kulankii ugu danbeysay horyaalka. Ka dib markii ay 4-2 ku qaarjiyeen Sampdoria, Bianconeri ayaa u safartay Stadio Olimpico si ay u wajahana Lazio iyagoo rajeynayay inay sii wataan rikoorkooda guulaha isku xigxiga oo ay ka dhigtaan 13 kulan oo Serie A ah oo isku xigta laakiin kulankaas ayaa ku dhamaaday barbaro 1-1 ah.

Natiijadaas waxa ay soo gabagabeysay guulihii isku xigay ee Bianconeri laakiin weli horyaalka loogama badinin tan iyo guuldaradii 4-2 ee ka soo gaartay Fiorentina bartamihii bishii October.

Gianluigi Buffon ayaa casaan laga siiyay Juve kulankaas iyadoo rigooradii ka dhalatay uu Antonio Candreva dabamariyay goolhayihii bedelka ku soo galay Marco Storari. Fernando Llorente ayaana badbaadiyay La Vecchia Signora isagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 60aad, iyadoo tababare Antonio Conte uu ku qancay dadaalka ay muujisay kooxdiisa ka dib markii ay 10 ciyaaryahan noqdeen.

Waxa ay caawa soo dhaweynayaan kooxda kaalinta 5aad ku jirta ee Nerazzuri kuwaasoo dhaliyay kaliya hal gool islamarkaana aan badinin tan iyo intii uu dhashay sannadkan cusub.

Kooxda Beneamata ayaa kulankaan ciyaareysa iyagoo barbaro goolal la’aan ah garoonkooda kula galay kooxda u hooseysa horyaalka ee Catania, taasoo uu ugu wacnaa goolhaye Alberto Frison oo dhuunta u galay kooxda Nerazzurri.

Tababaraha Inter Walter Mazzarri ayaa ka careysnaa fursadihii ay kooxdiisa iska qasaarisay madaama Inter ay garbahooda ka fiirinayaan kooxaha Torino, Parma iyo Hellas Verona oo ku soo dhawaanaya.

MAXAA KA CUSUB?

Juventus waxaa ka maqnaan doona goolhayahooda Gigi Buffon kaasoo ay u bilaabaneyso ganaax seddex kulan ah ka dib casaankii tooska ahaa ee uu qaatay kulankii barbaraha ay la galeen Lazio isbuucii hore.

Buffon ayaana taribuunka la fariisan doona saxiixa cusub Dani Osvaldo kaasoo aan ciyaari doonin kulankaan, laakiin Juve waxaa ku soo laabtay Giorgio Chiellini, halka Fabio Quagleriala uu seegayo kulanka caawa.

Weeraryahana Mirko Vucinic ayaa lagu soo daray kooxda wajaheysa Inter Milan inkastoo uu bishii Janaayo ku guuldareystay inuu ka tago Turin iyadoo Inter ay ka mid aheyd kooxihii uu qarka u saarnaa inuu ku biiro.

Dhanka Inter Milan, saxiixooda cusub Hernanes ayaan ciyaari doonin kulankaan madaama aan weli ogolaansho laga soo siinin Lega Serie A, waxaa sidoo kale ka maqnaan doona oo dhaawac ka ah Esteban Cambiasso.

Laakiin saxiixa kale ee cusub Danilo D’Ambrosio ayaa lagu soo daray kooxda wajaheysa Bainconeri, halka Andrea Ranochia isna lagu soo daray kooxda inkastoo lala xiririinayo inuu u dhaqaaqayo Galatasaray ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Turkiga.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Juventus (3-5-2):Storari; Ogbonna, Bonucci, Barzagli; Pogba, Pirlo, Vidal, Asamoah, Lichtsteiner; Llorente, Tevez

Inter (3-4-3):Handanovic; Juan, Rolando, Campagnaro; Nagatomo, Kovacic, Kuzmanovic, Jonathan; Milito, Alvarez, Palacio

MA OGTAHAY?

  • Shantii kulan ee ugu danbeysay Juventus waxa ay badisay afar ka mid ah halka kulan kale uu ahaa barbarihii ay la galeen kooxda Lazio, mudadaas Inter waxa ay badisay kaliya hal kulan iyagoo laga badiyay labo kulan islamarkaana barbaro galay labada kulan kale.
  • Xilli ciyaareedkii hore Inter Milan ayaa guul ku gaartay horyaalka garoonka Juventus Stadium iyagoo 3-1 ku dubtay kooxda Marwada Duqda Ah.
  • Tan iyo xilli ciyaareedkii 2002-03 kulankaan waxaa la ciyaaray 10 jeer, iyadoo celcelis ahaan 2.4 goolal la iska dhaliyay kulan kasta. Mudadaas, Juventus waxa ay badisay shan jer, halka Inter ay guul dhadhamisay seddex jeer, waxaana ay labada kooxood is kansaleen labo jeer.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip