Ducaale: Ciidamada Kenya kama baxayan Kismaayo (Dhageyso)
- Visits: 1279
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay la hadal haayay oo ay soo baxayeen warar ku saabsan, in Ciidamada Kenya ay ka baxayaan guud ahaan magaalada Kismaayo, ayaa waxaa BBC-da u waramay Arimahaasna ka sheekeeyay, Xilibaan Aadan Barre Ducaale, oo ah Hogaamiyaha howlaha Guud ee Doowlada Kenya. "Ciidamada Kenya kama baxayaan Kismaayo, 200-askari ayaa ku hari doonta oo la shaqeynaya Ciidamada Sierra Leone, sidoo kale Ciidamo Boolis Nigerian ayaa la geynayaa oo tababari doona Ciidamada Jubba”ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto Magaalada Gaarisa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galka AMISOM is bedel lagu sameeyay, isagoo xusay in hal batalyan oo ka socda Ciidamada Kenya ay xoreyn doonaan deegaanada kale ee Jubooyinka sida Jilib iyo Jamaame.
"Howl galka AMISOM kaliya is bedel lagu sameeyay, istiraatiijiyada la dejiyay waxaa ka mid ah in Ciidamada Kenya, Uganda, Brundi iyo Itoobiya in Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay ku sgan yihiin, maadaama Kismaayo la xoreeyay hal batalyan oo ka socda Kenya ayaa aadi doona Jilib iyo Jamaame”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.
Ducaale: Ciidamada Kenya kama baxayan Kismaayo (Dhageyso)
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay la hadal haayay oo ay soo baxayeen warar ku saabsan, in Ciidamada Kenya ay ka baxayaan guud ahaan magaalada Kismaayo, ayaa waxaa BBC-da u waramay Arimahaasna ka sheekeeyay, Xilibaan Aadan Barre Ducaale, oo ah Hogaamiyah