Mourinho oo isha ku hayo saxiixa laba ciyaariyahan ka hor koobka aduunka

0
Sunday February 16, 2014 - 14:17:48 in Wararka by
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho oo isha ku hayo saxiixa laba ciyaariyahan ka hor koobka aduunka

    Jose Mourinho ayaa qorsheynaya in uu dhameystiro saxiiyada labada ciyaariyahaan oo kala ah Edinson Cavani iyo Luke Shaw ka hor inta uusan bilaaban Koobka Aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa qorsheynaya in uu dhameystiro saxiiyada labada ciyaariyahaan oo kala ah Edinson Cavani iyo Luke Shaw ka hor inta uusan bilaaban Koobka Aduunka.

Maamulaha Chelsea ayaa ku adkeystay in uu doonayo labo saxiix oo waa weyn xagaagan islamarkaana ay kooxdu diyaar u tahay in ay kala shaqeyso sidii loo xero galin lahaa laacibka kooxdaParis Saint-Germain iyo xulka Uruguay Cavani iyo danbeedka bidix ee Southampton Shaw.

Mourinho ayaan qorsheyneyn in uu sugo inta uu dhamaanayo Koobka Aduunka Brazil sidaasi darteedna waxa uu u baahan yahay in uu helo saxiixyada uu rabo ka hor Koobkaasi.

Sunday Mirror Sport ayaa shaaca ka qaaday bishii la soo dhaafay in Cavani uu yahay saxiixa ugu weyn ee uu doonayo Mourinho in uu la soo shirtago xilli ciyaareedka danbe.

Cavani ayaan ku qanacsaneyn booska uu u ciyaaro kooxda PSG waxana la rumeysan yahay in wakiiladiisa ay baadigoobayaan koox kale oo uu xidigan u dheelo sida Chelsea oo kale.

Heshiiska Cavani ayaa u baahan si loo burburiyo hanti gaareysa 50 milyan oo gani taasi oo ah Record-kii labaad ee ka dhacaya kubada cagta Britain tan iyo markii qiimahaasi oo kale Chelsea ay ku soo iibsatayFernando Torres sadax sano ka hor.

Chelsea ayaa si ay la cagtaasi u hesho beecin doonta Romelu Lukaku iyo Demba Ba xagaaga.

Cavani oo 27 jir noqon doona todobaadkan ayaa weerarka kula mataameysmi doona Luis Suarez Koobka Aduunka ee ka furmi doona dalka Brazil, waxana ay ciyaarta koowaad ee Koobka Aduunka ka hortagi doonaan xulka England taasi oo ka dhici doontaa Sao Paolo, laakiin Mourinho ayaa qorsheynaya inta aysan ciyaartaasi dhicin in Cavani uu noqdo ciyaartoy ka tirsan Chelsea.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip