Kooxo Dabley ah oo markale dishay Ganacsato Somalida K/Afrika ah.

0
Saturday June 19, 2021 - 14:19:04 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Dabley ah oo markale dishay Ganacsato Somalida K/Afrika ah.

    Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay waxay ku dileen goobtiisa ganacsi muwaadin Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay waxay ku dileen goobtiisa ganacsi muwaadin Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariiste muwaadinka Soomaaliyeed ayay burcadu ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo aay doonayeen in dhac u geystaan kaaso ku yaalay tuulada lagu magacaabo Siloam oo hoos timaada gobolka Limpopo.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi Maxamed Cali Jimcaale waxaana goobta lagu dilay isaga baxsatay burcadii dilka u geysatay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koofur Afrika ayaa dilka kadib sida caadada u aheydba goobta soo gaaray kuwaas oo sameeyay baaritaano aanan wax natiijo ah kasoo bixin.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka koofur Afrika ayaa marwaliba la kulma dhaca iyo boob iyo waliba dilal, dhaawac kaga yimaada burcada u dhalatay wadankaasi, iyadoo dowladda Koofur Afrikana aay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatoyinka loo geysto ganacsatada ajaaniibta ah ee ku nool dalkeeda oo aay Soomaalida ugu badan tahay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip