Garoonka:
Etihad Stadium
Waqtiga:
7:05pm Saacada Geeska Afrika
Manchester
City ayaa raadin doonta inay ka aarsato Wigan guuldaradii finalka FA Cup ee
xilli ciyaareedkii hore marka ay labada kooxood maanta ku kulmaan wareega 8da.
Manchester
City ayaa wajaheysa Barcelona koobka Champions League seddex maalmood ka dib
ciyaartaan laakiin tababare Manuel Pellegrini ayaa qirtay in kooxdiisa ay
diirada saari doonto inay ka fogaadaan natiijo la mid ah markii ugu danbeysay
ee ay Wigan ku wajaheen koobkaan markaasoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay
finalkii 2013.
City
ayaa xilli ciyaareedkan sanduuqeeda koobabka gashatay koobka Capital One Cup,
waxaana ay doonayaan inay ka talaabsadaan kooxda Wigan ee tababare Uwe Rosler
si ay u gaaraan semi-finalka FA Cup.
Tababaraha
Jarmalka Uwe Rosler ayaana ku soo laabanaya Etihad Stadium 20 sanno ka dib
isagoo halkaas ciyaaryahan ka ahaa 1990meeyadii markaasoo uu u ciyaaray afar
xilli ciyaareed isagoo u dhaliyay 50 gool, waxaana uu ahaa xiddiga ay
jamaahiirta City jeclaayeen.
LINE-UPKA
MACQUULKA AH:
Manchester City: Pantilimon; Zabaleta,
Kompany, Demichellis, Kolarov; Garcia, Toure; Milner, Silva, Nasri; Aguero.
Wigan Athletic: Al Habsi; Boyce, Barnett,
Ramis, Beausejour; Gomez, McArthur, McCann; McClean, Maynard, McManaman
Hordhac FA Cup: Man City v Wigan – Sky Blues Oo Raadineysa Inay Wigan Ka Aarsato Guuldaradii Finalkii FA Cup.
Kulanka: Manchester City v Wigan Athletic