Madaxweyne dunida Caan ka ah oo xaaladiisa Cafimaad laga deyrinayo

0
Monday November 12, 2018 - 11:39:17 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne dunida Caan ka ah oo xaaladiisa Cafimaad laga deyrinayo

    Madaxwaynaha dalka Gabon Cali Bongo ayaa si aad ah u xanuunsanaya,sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxwaynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha dalka Gabon Cali Bongo ayaa si aad ah u xanuunsanaya,sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxwaynaha.

Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay soo baxayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha 59 jirka ah.

Wararka qaar ayaa sheegayay in Madaxwayne Cali Bongo uu madaxa dhiig kaga furmay.

Madaxwaynaha ayaa waxa in muddo ah lagu daawaynayay dalka Sacuudiga,waxaana bishii aanu soo dhaafnay la shaaciyay in madaxwaynaha uu ka cabanayo daal badan.

Afhayeenkiisa Ike Ngouoni ayaa sheegay in Mr Bongo "uu ka soo kabanayo dhammaan xanuunkii hayay ".

Lama xusin in madaxwaynaha uu madaxa dhiig kaga furmay balse afhayeenkiisa Mr Ngouoni ayaa sheegay"in uu dhiigga uu u baahan yahay daryeel caafimaad".

Cali Bongo ayaa talada kala wareegay aabihii Cumar Bongo sanaddii 2009.

Aabihii Cumar Bongo ayaa ka soo talinayay Gabon in ka badan 40 sano.





Xigasho:-BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip