Diyaarad siday gargaar ah oo loo diiday inay ka degto M/Laas-Caanood

0
Wednesday October 24, 2018 - 13:57:54 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad siday gargaar ah oo loo diiday inay ka degto M/Laas-Caanood

    Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool loo diiday in ay ka degto Diaayarad siday Daawooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool loo diiday in ay ka degto Diaayarad siday Daawooyinka.

Diyaarada Ocean Airline ee loo diiday in ay ka degto Garoonka laas-Caanood ayaa waxa la sheegay in daawooyin ay u waday dadkii ku waxyeeloobay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool,isla markaana soo qaadi rabtay dadka dhaawacyada ah qaarkood.

Warar ay heshay Shabakada Warsheekh.com ayaa sheeggaya in Diyaaradan siday Deeqda Dawada ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhiibtay ,balse loo diiday inay Maanta ka degto Garoonka diyaaradaha Magalada Laas-Caanood.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Laas-Caanood ee Soomaaliland ay diideen Diyaaradaan Ocean Airline ee dawooyinka u siday Magalada Laas-Caanood inay ka degto halkaasi.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana dhaawacyada dagaalkasi loo qaaday Isbitaalka Weyn ee ku yaalla Waqooyiga Magalada Gaalkacyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Ilaa iyo hadda lama ogga halkii ay aaday diyaaradii la sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay u dirtay Laas-Caanood,taasi oo maanta laga celiyay Garoonka laas-Caanood.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip