Nabadoon Cabdi Fataax Macalin Maxamuud
oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa usheegay inaysan
aqoonsaneyn maamulkaasi, sidoo kalena Shabeelaha dhexe aysan raacsaneyn maamulka
laga dhisayo Shabeelaha hoose.
Sidoo kale Ugaas Yacquub oo kamid ah waxgaradka Gobalka Shabeelaha hoose ayaa
riyo ku tilmaamay dhismaha Maamulka Shabeele State, isaga oo sheegay dadka
arimahaasi ku howlan inay riyada ka tanaasulaan.
Sikastaba Dalka soomaaliya ayaa waxaa ku soo badaanaya maamulada loo sameynayo gobolada dalka soomaaliya oo wali is fahan darro ay ka dhex jirto wax garadka iyo nabadoonada ku sugan gobolada maamulka loo sameynayo
Masaxbaa in lagu dhawaaqay Hogaamiyaha Cusub ee Maamulka Shabelle State, Aragtida waxgaradka Goboladaasi Waa Sidee.?
Kidib markii deegaanka Ceelasha Biyaha lagu doortay Hogaamiyaha Maamulka Shabeele State ayaa waxgaradka Shabeelaha Dhexe, waxa ay sheegeen inaysan aqoonsaneyn Maamulkaasi.