Deg-deg: Dowladda Kenya oo gacanta ku dhigtay Al-shabaab iyo gaari ay qaraxyo ku wadeen "Sawirro"
- Visits: 1588
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Booliska dalka Kenya ee ku sugan magaalada dekeda leh ee Mombasa ayaa sheegay inay xereen labo ruux oo la sheegay inay wadeen gaadiid ay ku jireen waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen. Ciidamada booliska ayaa sheegay in labada ruux
oo mid u dhashay dalka Kenya kan kalana uu kasoo jeedo asal ahaan
Soomaaliya ay qorsheynayeen inay weerar ka geystaan goob aan la cayimin,
sida ay shaaciyeen.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay adkeysay
amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi waxii ka dambeeyay markii
Alshabaab ay weerar ka geysteen dhismaha Westgate ee dalka Kenya.
"Ma
sheegi karno halka bartilmaameydkoodu ahaa, laakiin waxaan xernay labo
ruux oo gaadiid waxyaabaha qarxa ku waday”sidaasi waxaa yiri Henry
Ondiekh oo ah taliyaha dambi barista magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Taliyaha
ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in gaadiidka ay saarnaayeen labo qarax
oo kuwa gacanta lagu sameeyo oo Mabeylo ay ku xernaayeen, kuwaasi oo la
damacsanaa in qaraxyo lagu sameeyo, sida ay booliska sheegeen.
Bishii
September sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaad 67 ruux ayaa ku geeriyootay
weerar Alshabaab ay ku qaadeen dhismaha ganacsiga dalka Kenya, waxaana
ay Alshabaab sheegeen inay aheyd aargudis.
Bishii February ee
sanadkaan dad badan ayaa kasoo muuqday maxkamada magaalada Mombasa,
kuwaasi oo badankood lagu eedeynayay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab,
kadib markii masaajid ay weerareen ciidamada Kenya.
Alshabaab
ayaa marar badan weeraro ka geystay dalka Kenya, waana midda ku qasabtay
dowlada Kenya in ciidamadeeda ay kusoo biiraan howlgalka ka socda dalka
Soomaaliya, sida madaxda Kenya ay sheegeen.
Deg-deg: Dowladda Kenya oo gacanta ku dhigtay Al-shabaab iyo gaari ay qaraxyo ku wadeen "Sawirro"
Booliska dalka Kenya ee ku sugan magaalada dekeda leh ee Mombasa ayaa sheegay inay xereen labo ruux oo la sheegay inay wadeen gaadiid ay ku jireen waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen.