Maxkamada Sare Sweden oo dib udhigtay Sharci la xiriiray Soomaalida

0
Saturday April 05, 2014 - 13:51:37 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Sare Sweden oo dib udhigtay Sharci la xiriiray Soomaalida

    Sida aad la wada socoteen waxaa xiliga guga ee sanadkaan go'aan laga sugayay kiis ay maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen ) baaritaan ku haysay kaasoo ku saabsanaa shuruuda in ay reerku horay u wada noolaayeen. Hadaba waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aad la wada socoteen waxaa xiliga guga ee sanadkaan go'aan laga sugayay kiis ay maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen ) baaritaan ku haysay kaasoo ku saabsanaa shuruuda in ay reerku horay u wada noolaayeen. Hadaba waxaa soo baxday in maxkamadu ay dib u dhigtay in ay arintaas go'aan ka qaadato.

Lena Rösell oo ka tirsan ururka Sociala Missionen oo arintaan si qoto dheer ula socotay ayaa noo soo gudbisay in ay la xiriirtay maxkamada iyagoo u sheegay in 13-ka bishii Maarso kiiska maxkamada loo soo bandhigay. Ka dib ayaa waxaa soo baxay dhowr su’aalood oo u baahan in jawaabtooda baaritaan dheeri ah lagu sameeyo.

Arintaas ayaa keentay in maxkamadu ay kiiska ka dhigto mid baaritaan ku socdo . Sida sharciga ah ayaa marka maxkamada loo soo bandhigo kiiska ay waajibtahay in afar isbuuc gudahood ay go’aan ku gaadho balse maadaama xaalada kiiska laga dhigay mid bandhig ku socdo ayay qaadan kartaa mudo intaas ka dheer inta maxkamadu ay go’aan ka gaarayso. Wixii ku soo kordha waan soo gudbin doonaa. Insha Allah

Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip