Qaxooti Soomaali ah oo ku sugan xerada qaxootiga Dhadhaab oo ka qayb-galaya xaflad loo sameeyay Maalinta Qaxootiga Adduunka ee 20-ka June, 2012-ka. [Abdullahi Mire/AFP]
Sahanka Dareenka Dib-u-noqoshada ayaa waxa la qaban doonaa muddo ka badan afar bilood, iyada oo natiijada ka soo baxda sahanka loo isticmaali doono dajinta qorshaha dib-u-noqoshada aan khasabka ahayn ee qoysaska qaxootiga, sida ay sheegtay IOM.
"Labada bilood ee soo socda, 50 xog-uruuriyayaal oo ay tababartay IOM ayaa dhexgali doona dadka si ay waraysi uga soo qaadaan tiro qoysas ah oo dhan 7,453, kuwaa oo matalaya 27 kooxood oo qaxooti ah oo ka kala socda sagaal gobol oo kala duwan oo ku yaal Soomaaliya, kuwaas oo Dhadhaab ku yimid saddex marxaladood," ayay IOM ku tiri hadal ay soo saartay.
Sahanka ayaa isku dayi doona in uu soo aruuriyo xogo khuseeya qaxootiga, oo ay ka mid yihiin sida ay u nolasha u sameeysan jireen, waxa ay hanti lahaayeen, waxa qoysaska kusoo khasbay in ay ka soo guuraan Soomaaliya, duruufaha nololeed ee hadda jira, xirfadaha iyo shaqooyinka, waxa ay ku doorteen noqoshada, iyo rajada ay ka qabaan helitaanka adeegyada bulshada, ammaanka, shaqooyinka iyo guriyeeynta marka ay ku noqdaan Soomaaliya, ayay sheegtay IOM.
IOM iyo UNHCR ayaa isku raacay in ay sameeyaan sahanka sifo loo hubiyo in la maqlo dareenka qaxootiga iyo aragtidooda isla markaana xisaabta lagu darsado, si waafaqsanheshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee ay Novembertii hore kala saxiixdeen Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR.
Si dadweynaha loogu wargliyo ulajeeddada saxda ah ee sahanka, ayuu ururku waxa uu bilaabay olole isgaarsiineed oo ay ku jiraan shir jaraa'id oo lagu qabto Dhadhaab, farriimo bulsho oo ka baxa raadiyaha iyo kulmo joogto ah oo lala yeeshay hoggaamiyayaasha qaxootiga.
Laakiin haddana dadaalladaas oo jira, ayaa sahanka waxa loo soo dhaweeyay raynrayn yar amaba la'aan, sida ay sheegtay Xaliimo Xuseen Cabdile oo ah 35-jir ku nool xerada qaxootiga Kambioos ee Dhadhaab.
"Waxan hubaa in inta badanqaxootigu ay ka labalabeeynayaan ku noqoshada Soomaaliya," ayay u sheegtay Sabahi. "Laakiin ma hubo in codkeennu uu wax ka baddali doono dawladda Kenya oo u muuqata in ay go'aansatay in haddaannu nahay qoxaootiga aan isaga baxno Kenya."
Xaliima, oo xerada soo gaartay 2007-dii kana timiddemgada Baardheere ee gobolkaGedo, ayaa sheegtay in ayan diyaar u ahayn in ay ku noqoto dalkii "xilliyadan dhow" ayna isku diyaarisay in si khasab ah looga saaro xerada.
"Al-Shabaab waxay dileen inadeerkay January 2014-kii iyaga oo ku eedeeyay in uu ka caawin waayay dalabaadkooda. [Dhawaan] waxay halkaa ku dileen duqeey iyo culimo. Sidee qofi ugu noqon karaa meesha noocaas ah?" ayay tiri.
"Waxa jirtay in baaqyo joogto ah ay ka soo baxayeenmas'uuliyiinta xukuumadda Kenya oo ay ku doonayeen in lagu xiro xeryaha," ayay tiri. "Lacalla haddii nala waydiiyo in aan isaga baxno xeryaha, khiyaaradeennu way yaraan doonaan si kasta oo ay u jiraan shuruuc caalami ah oo ilaaliya qaxootiga."
Saas oo ay tahayna, Xaliima waxay taqaan ugu yaraan toban qoys oo ka baxay xerada aadayna Soomaaliya intii lagu jiray bisha February.
"Iyaga ayaa isku tashaday. Qaar baa ku guuray gaari-dameer iyaga oo qaatay agabkoodii halka qaar kalena ay ku guureen baabuur kiro ah," ayay tiri.
Aadan Xuseen Ibraahim, oo ah qaxooti 35-jir ah oo ku nool xerada Ifo II, ayaa ku niyad samaa mustaqbalka uga horreeya Soomaaliya waxana uu sheegay in uu qorsheeynayo in uu noqdo ka hor dhammaadka March.
"Waxan imid Kenya 3-dii November, 2010-kii, iyada oo ay i weheliyaan xaaskeeyga iyo carruurteeyda," ayuu u sheegay Sabahi. "Tan iyo wixii intaa ka dambeeyay, la ima diiwaan-galin. Waxan ku nooleeyn axsaanka qaraabada ku nool xerada kuwaa oo nala wadaagay garaamaadkooda cunnada ah ee aan iyagaba ku filleeyn."
Ibraahim waxa uu sheegay in daraasiin ka mida qoysaskii soo gaaray Kenya dhammaadkii 2010-kii ay mar horeba iska tageen.
Waxa uu sheegay in koox ka mida qaraabadiisa ay soo indha-indheeynayeen bal in magaaladiisii Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya ay tahay meel xasilloon oo lagu noqon karo.
"Ugu dambeeynta, qoyskayga iyo anigu waxan tagi doonnaa Hargaysa. Waxan rajaynayaa in aan ku xasilo oo aan ganacsi ka sameeysto halkaa," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in ay ku dhiirri-galiyeen ku noqoshada dalkiisa kuwa ku sugan Soomaaliya ee ku nool kana dhex shaqeeynaya xaaladaha oo qasan.
Inkasta oo ay jiraan wararka sheegaya inal-Shabaab waddo afduubyo, cadaadis, baad, dhac xoolo iyo soo rogid canshuuro, ayay haddana in badan oo ka midaqaxootiga waxay diyaar u yihiin in ay noqdaanamaba ay mar horeba noqdeen, ayuu sheegay.
Taliyaha ammaanka Degmada Dhadhaab Bernard ole Kipury ayaa sheegay in ciidaanka ammaanka ee ilaalada ka haya xudduuda Kenya iyo Soomaaliya ay inta badan arkaan qaxooti Soomaaliyeed oo ka sii baxaya Kenya marka la barbar dhigo kuwo soo galaya.
"Marka ay su'aalaha waydiiyaan kuwa sii baxaya, waxay u sheegeen ciidamada ammaanka in ay u socdaan dalkooda si ay dib ugu dhistaan noloshooda," ayuu u sheegay Sabahi. "Mar walba waxay ku wada socdaan kooxo aan ka yareeyn toban qof oo ay ku jiraan carruur iyo hooyo."
Marka uu socdo baaritaanka ammaan, qaxootigu inta badan waxa ay wataan agabkoodii khaaska ahaa, wax ay ku seexdaan iyo cunno iyo biyo yar oo ay ugu talagaleen safarka ay ugu socdaan dalka, ayuu sheegay.
"Kuwa soo galaya Kenya waxa ay ciidamada ammaanka u sheegaan in ay horay ugu jireen xeryaha," ayuu yiri Kipury. "Qaar kalena waxa ay sheegaan in ay soo salaamayaan qaraabadooda."
Waxa uu sheegay in ammaanka xeryuhu soo hagaagay labadii bilood ee la soo dhaafay, si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanku wali waxay ku jiraan heegan "sababtoo ah waxa horay loo ogaaday in dhaqdhaqaaq la'aanta kooxda al-Shabaab ay tahay tab ay ku mashquulinayaan feejignaanta ka hor inta ayan qaadin weerar".
Kipury waxa uu sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada qaxootiga illaa iyo hadda ka tagay xeryaha.
Laakiin 19-kii February, shir jaraa'id oo uu qabtay Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto waxa uu sheegay inta u dhexeeysa80,000 iyo 100,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay mar horeba si iskood ah ugu noqdeen Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in laga yaabo in ay qaadato laba sano in Soomaalida laga celiyo Dhadhaab.
Raouf Mazou, Wakiilka UNHCR u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in dib-u-celinta qaxootigu ay ku saleeysnaan doonto oo kaliya rabitaanka dadka, sida ku cadheshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee ay wada saxiixdeen Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR, iyada oo howshaasi ugu yaraan qaadan doonto toban sano in la soo afjaro.
Xoghaya Golaha Xukuumadda Kenya ee Arrimaha Gudaha iyo Xiriirka Maamullada Qaranka Joseph ole Lenku, ayaa si kastaba ha ahaatee, ku dhaggan in ay suuragal tahay in xerada lagu xiro wax ka yar hal sano.
"Xaalad kasta waxa looga baahan yahay waa rabitaan iyo heellanaan," ayuu u sheegay Sabahi. "Waxa jira ururro iyo shakhsiyaad doonaya in ay abuuraan dareenka ah in Soomaaliya ayan ammaan u ahayn qaxootiga. Waxa ay abuurayaan cabsi halkii ay ka abuuri lahaayeen rajo.
"Waxa ay ka hor iman doontaa mandiqa haddii qaxootigu ayan ku laaban aagagga ay xoreeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika laga bilaabo maanta," ayuu yiri.
Dareen cabsi iyo rajo isugu jira oo la soo gudboonaaday qaxootiga Soomaalida ee Kenya ee doonaya in ay ku noqdaan dalkii
Halka qaar ka mida Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ay u kuur-galayaan duruufaha nololeed ee ka jira dalkii ka hor safarkooda soo aaddan ee ay dib ugu noqonayaan, ayaa qaar kalena wali diyaar u ahayn in ay noqdaan waxayna ka baqayaan wax