TV-gii Caalamiga ahaa ee Horn Cable TV oo Noqotay TV Qabiil, Wariyaha TV-ga HCTV ee Sh/hoose oo Dagaalka qeyb ka ahDouble exclamation mark

0
Thursday June 12, 2014 - 00:15:14 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TV-gii Caalamiga ahaa ee Horn Cable TV oo Noqotay TV Qabiil, Wariyaha TV-ga HCTV ee Sh/hoose oo Dagaalka qeyb ka ahDouble exclamation mark

    TV-gii Caalamiga ahaa ee Horn Cable TV oo Noqotay TV Qabiil, Wariyaha TV-ga HCTV ee Sh/hoose oo Dagaalka qeyb ka ahDouble exclamation mark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TV-gii Caalamiga ahaa ee Horn Cable TV oo Noqotay TV Qabiil, Wariyaha TV-ga HCTV ee Sh/hoose oo Dagaalka qeyb ka ahDouble exclamation mark


Saalax Galgacal oo ah Wariyaha HCTV ee gobolka sh/hoose ayaa u bedelay TV-gii caalamiga ahaa ee HCTV TV qabiil, Saalax Galgacal ayaa horey usii raacay mid kamid ah Maliishiyo Beeleedkii Dagaalku ku dhex maray Magaalada Marka.

Saalax Galgacal oo ku hadlaya afka mid kamid ah beelihii maliishiyaadkoodu dagaalada ku dhex mareen deegaano kala duwan ee Degmada Marka, Wariyaha TV-ga Saalax ayaa maliishiyaadka labada Beelood mid ku sheega ciidamada deegaanka halka uu beesha kale maliishiyaadkooda ku sheego maliishiyo ku labisan dariiska ciidamada oo kusoo duulay Degmada.

Wariyaha af ku dhiigalaha Saalax Galgacal ayaa isagu inaba ka hadlin dilalkii ugaarsiga qabiil ahaa ee Maliishiyaadka yariisoow iyo Waafoow ka wadeen degmada Marka kahor inta aan Maliishiyaadka Beesha ugaarsiga lagu haayey ka saarin Degmada Marka.

TV-gii Caalamiga ahaa ee Horn Cable TV ayaa noqday mid baahiya warar 80% ku saabsan Dagaaladii ka dhacay degmada Marka, wararka uu baahinayo TV-ga ayaa gebi ahaanba ah mid lagu taageerayo Beel kamid ah beelihii ku dagaalamay degmada Marka laguna weerarao beel kale oo Soomaaliyeed oo dagaalka qeyb ha aheyd. Sidoo kale Wararka TV-ga HCTV baahinayo ayaa noqday kuwa lagu bartilmaameedsanayo Madaxweynaha Dawlada Federaalka, beelweynta Hawiye iyo saraakiisha kasoo Jeeda beesha Hawiye.

Maamulka HCTV ayey muuqaneysaa inuu qeyb ka yahay barnaamijkaan dagaal hurinta ah ee TV-gu shaqada ka dhigtay, TV-ga HCTV oo milkiilihiisu kasoo jeedo Somaliland ayaad moodaa qaabka uu uga shaqeynayo Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Sh/hoose qaab u eg Radiyihii Ruwanda oo qeybta weyn ka qaatay Xasuuqii dhex maray beelaha Huutuu-ga iyo Tuutsiga Dalka ruwanda.

TV-ga HCTV ayaa qeyb ka noqday qorshihii Maliishiyo Beeleedkii ay hogaamin jireen Yariisoow iyo Waafoow oo iyaga oo Masuuliyadii Degmada Marka iyo KM50 loo dhiibay hadana bilaabay iney barakiciyaan, dilaan Beelo kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, masuuliyiintii hogaaminayey Maliishiyaadka dhowaan laga saaray Marka iyo KM50 ayaa idaacadaha iyo TV-ga dagaal abuurka HCTV si cadaan ah uga sheegi jiray in G/Sh/hoose iska leeyihiin beelaha Biimaal iyo Digil, hadalka noocaas ah oo micnihiisu yahay mid dagaal kicin ah oo kadhan ah Beelaha ugu badan gobolka sida beelweynta Hawiye (Mudulood, Habargidir, Murursade, Sheekhaal, Xawaadle, Gaaljecel, Gugundhabe iyo Beelaha kale oo hawiye), Mirifle, jareer, Banaadiriga.

Si kastaba ahaatee TV-ga HCTV ayaa noqonaya TV-gii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo qeyb ka noqda dagaalada Qabiilka ee ka jira qaar kamid ah Gobolada soomaaliya. HCTV wuxuu qeyb weyn ku lahaan doonaa dhimashada iyo qasaaraha ka dhasha dagaalada , Kicinta iyo iskudirka Beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip