-asaga oo aana looga baahneeyn Visum balse uu bixinaayo qiimo yar si loogu fududeeyo ku gelida dalka Somaliya waraaq yar oo la siiyo iyo 50 dollar oo laga qaato wax shaabad ahna aanan lugu dhifan Passaporkaaga,haddii aad ka soo degeeyso Muqdisho oo aad taghay ajnabi ama Al shabab wataa Passorka ajnabiga waxaa kugu filin oo kaliya adiga oo bixiya 50 dollar haddii aad soo dhameeysto ujeedkaagii safarka si fudud ayaad ugu soo baxeeysa dalka Somaliya waxaa waajib ah oo kaliya in aad wadataa warqada lagu siiyay ee aad 50 dollar ku bixisay oo kaliya,waxaa la xaqiijiyay in 10 kii sanno ee ugu danbeeyay dalka Somaliya aay soo geleen Somali waddata passaporka ajnabiga ah, qaar waxaa aay ku biireen Al shabab waxaana aay ka howlgaleen Muqdisho,Hiiraan,Sh/dhexe & sh/hoose Galgaduud,Kismayo,Jubada dhexe,Gedo ,marka aay soo wajahdo in aay dalka ka soo dhoofaan si aad fufud ayeey dalka kaga soo baxaan,ayada oo markoodii hore si fufud ku soo dhaafay madaarada dalka sida Muqdisho,Hargeeysa ,Bosaso iyo Kismaayo,waxaa la xaqiijiyay in ajaaniib faro badan oo leh danno siyaasadeed oo aad u fog yimaadaan maalinwalba dalka iyda oo aanan la ogeeyn waxa aay dalka ka qabanaayaan,qaar waa quburo basaasa sida aay wax u socdaan iyo sida aay u heli lahaayeen qaabdhismeedka dalka Somali,waxaan marna la dafiri Karin dhalinyaro faro badan oo wataa passaporka ajaaniibta lagu dilay dagaalii Al shabab la gashay dowlada hada jirta waxaa run ah in qaar lagu dilay gobolada dalka,haddii aadan wadan warqada 50 dollar eek u gelida dalka waxaa kaaga filan adiga oo bixiya 50 kale si aad u wadato safarkaaga xaqiiqdii waa sidaa.
Nin ajnabi ah ayaan la kulamay waxaana ka wareeysatay sida uu dalka ku galay waxaa uu iiga sheekeeyay in 50 dollar uu bixiyo oo kaliya Passaporka uu watana aanan marna laga shaabadeeyn runtii aad ayaan ula yabaay arinkaa balse waxaan jecleeystay in aan u kuurgalo xaqiida waxaan ogaaday in dowlada federaalka aaneeyn weli u baraarugun arimahaas oo aan soo sheegay,waxaan isku dayay in aan la xariro wasiirka amiga qaranka welise waan raadinaayaa ,sida oo kale Gaafow asagana weli ma helin,hadaba maxaa Somalia la gudboon arimahaani waxaa aay soo socdeen 23 sanno sow lama gaarin xiligii la dhihi-laahaa waa qalad ha la joojiyo,haddii Akhristaha maqaalkaan haddii aad tahay Somali dhab ah fadlan waajib ayaa kaa saaran sidii aad ula xiriiri laheeyd faldan ha fududeeysan waa waajib qaranimo.Waxaan leeyahay madaxda dalka saxa qaladka gaamuray ee halista ku ah jiritaanka Somaliya.
Dr.AliA.Hirabe_ Hirabe_a@hotmail.com
Madaaradarda Somaliya Al Shabaab iyo Ajnabiga
Airporada dalka Somaliya waxii ka horeeyay 91 waxaa gacanta ku hayay dowladadii uu madaxweeynaha ka ahaa Siyaad Bare xaqiiqdii xiligaa aad ayeey u adkeeyd in dalka Somaliya leeyska soo galo balse waxaa aad u adkaa Visaha dal ku galka Somalida oo runt