Xaflad Ay Kuqalinjabiyeen in Kabadan 50 Arday Oo Somali ayaa kadhacday Khortoum

0
Monday August 18, 2014 - 23:27:59 in Wararka by
  • Visits: 3530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad Ay Kuqalinjabiyeen in Kabadan 50 Arday Oo Somali ayaa kadhacday Khortoum

    Wadanka Sudan ayaa waxa uu kamid yahay Wadamada ugu badan oo ay ardayda soomaliyeed wax kabartaan Kuwaa oo iyagu Dhigta Taqasusaadka kala duwan ee jaamacadaha wadankasuudaan ay bixiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Sudan ayaa waxa uu kamid yahay Wadamada ugu badan oo ay ardayda soomaliyeed wax kabartaan Kuwaa oo iyagu Dhigta Taqasusaadka kala duwan ee jaamacadaha wadankasuudaan ay bixiyaan.
Wadanka Sudan ayaa waxa uu kamid yahay Wadamada ugu badan oo ay ardayda soomaliyeed wax kabartaan Kuwaa oo iyagu Dhigta Taqasusaadka kala duwan ee jaamacadaha wadankasuudaan ay bixiyaan.

Ardayda Gobolada dhexe ayaa waxa ay kuqabteen Magaalada khortoum Ee Casimada Dalka Sudan Munaasabad Balaaran oo ay kuqalin jabinayeen in kabadan Konton Arday oo Dhameystay wax barashada Heerka Koowaad Ee Jaamacada .

Xaflada Qalin jabinta ayaa waxa Daaha Karogay Gudoomiyaha Guud ee Ardayda Gobolada Dhexe Axmed Dhiif oo sheegay in ay farxad weyn ay utahay Dhamaan umada Soomaliyeed gaar ahaan Bulshada degta Gobolada Dhexe in sanad walbaa dalka Sudan ay uga qalin jabiyaan arday badan Sidoo kalena waxa uu kula Dar daarmay Qalinjabiyaashii ineey dadkooda wax ugu qabtaan aqoonta ay Barteen .

waxa Hadal Kooban isna kayiri Madashii xaflada Qalin jabinta Qunsulka Safaarada Soomaliya eey kuleedahay Dalka sudan Ibraahim guure oo isna Meesha kasheegay in dadka daga Gobolada Dhexe ay yihiin dad wax soo saar leh aad uweyn ayna kadhasheen halyeeyo taariiqdu xusto loogana baahanyahay ineey kudaysadaan dhamaan Aqoon yahanadu .

Jawiga Xaflada ay soo qaban qaabisay Raabidada ardayda Gobolada dhexe ayaa isagu ahaa mid aad uheer sareeyay iyadoona ay xaadir ahaayeen marti sharaf aad ufara badneyd oo ay kamid ahaayeen salaadiinta umada soomaliyeed ee kusugan dalka sudan sida Suldaan Cali Horseed iyo Suldaan kamala waxa isna Xaflada kusugnaa qalin jabinta uqaabilsanaha Hidaha Sare iyo tacliinta Safaarada Soomaliya ay kuledahay sudan Cabdulkhaadir Guulane .

Ardayda Gobolada dhexe ayaa ah kuwa fir fircooni kuleh dhaq dhaqaaqyada Aqoonta iyo horumarineed oo ay kudhax leeyihiin bulshadooda Soomaliyeed sanad kastana ay uqarijaan arday aad ufara badan kuwaa oo aqoontooda kula laabta dalkeena hooyo Ee Soomaaliya.

Maxamed Ciise Koonaa

Sudan =Khortoum
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip