Suldaanka guud ee Warsangali,Hogaamiye dhaqameed,Qurba-joogta,dhalinyaro,Aqoonyahan iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay Daahfurka shirka,oo diirada lagu saarayo;-
1-Turxan bixin.
2-Wadatashi.
3-Midnimo.
4-Nabad.
5-Horumar.
Suldaanka guud ee Warsangali Siciid Cabdisalaan ayaa sheegay in shirku uu ka Madax bannaan yahay Siyaasad,isla markaana uu yahay shir dhaqan,wuxuuna si Kal iyo Laab ah uso dhwoeeyay guud ahaan dadkii ka qayb galay shirka.
Wuxuu intaas ku daray Suldaan Siciid Cabdisalaan in shirka ay goob joog ka yihiin guud ahaan Beelaha Warsangali.
Shirkada Isgaarsiinta Golis ayaa ka qayb qaadatay Habsami u socodka iyo Fududaynta Shirka,waxayna goobta keentay Internet Xawaarihiisu aad u sareeyo,kaasi oo ay adeegsanayaan bahda Saxaafadda.
Maamulaha Shirkadda Golis ee degmada Xingalool Cabdoiraxmaan Ciise Maxamuud ayaa sheegay in taageerada Golisa ay siisay shirka GUULEED 2 ay ka mid tahay;-taageerada ay siiyaan Bulshada,waxaana uu xusay in Golis ay ka go’an tahay taageerida Bulshada.
Gabagabada shirka ayaa Beelaha Warsangali ay kaso daari doonaan Bayaan saldhig u ah Ajandaha shirka looga hadlayo.
Xidhiidhka Dibada ee Shirka
Jama Feyte
Tell-15125524125
Email:- Jama.feyte@gmail.com
Shirweynihii Beelaha Warsangali-Daarood ayaa G.Sanaag ka Furmay +Sawiro
Shirweynaha guud ee Beelaha Warsangali ee ''GUULEED 2'',oo ah Shirweyne dhaqan ayaa ka furmay degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.