Ciyaartooy ka qeyb galeysa tartamo ka kala dhacaya Sudan iyo Ethiopia oo Muqdisho lagu tababarayo

0
Monday September 08, 2014 - 17:40:21 in Sports by
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartooy ka qeyb galeysa tartamo ka kala dhacaya Sudan iyo Ethiopia oo Muqdisho lagu tababarayo

    Waxaa garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ka socda tababar ay sameeynayaa xiddigaha Soomaaliyeed ee da'dooda ka hooseeyso 23-ka sanno, ciyaartooyda ayaa waxaa loo diyaarinayaa tartamo bilaha October iyo November ka kala dhici doono dalalka S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ka socda tababar ay sameeynayaa xiddigaha Soomaaliyeed ee da'dooda ka hooseeyso 23-ka sanno, ciyaartooyda ayaa waxaa loo diyaarinayaa tartamo bilaha October iyo November ka kala dhici doono dalalka Sudan iyo Ethiopia.
Waxaa garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ka socda tababar ay sameeynayaa xiddigaha Soomaaliyeed ee da'dooda ka hooseeyso 23-ka sanno, ciyaartooyda ayaa waxaa loo diyaarinayaa tartamo bilaha October iyo November ka kala dhici doono dalalka Sudan iyo Ethiopia.

Waxaa sanadkan gacanta ku hayo xiddigaha maacallimiinta ajaanibta ee kala ah Jose iyo James, waxaa ay sidoo kale tababarka ay ku soo kordhiyeen biraha ay tababarka ku sameeyaan xiddigaha adduunka, xiddigaha ay tababarka siiyaan ayaa waxa ay yihiin kuwii ugu muhiimsanaa tartamada ka dhaca Soomaaliya.

Macallin Cawil Ismaaciil Maxamed waa agaasimaha farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaa uu faah faahin ka bixiyay sida uu yahay diyaar garoowga xulka qaran Soomaaliya: “Runtii aad ayaa loogu diyaar garoobay, waxaad ogtahay inta aysan bixin Banaadir oo tartan uga qeyb gashay Rwanda iyo markii ay soo laabatay tababarka xulka si adag ayuu u socday, Soomaaliya farsamo ahaan waa ay hagaagsan yihiin, laakiin dhibka na haysta waxaa uu ahaa awoodda jirka ama lixaadeeynta, biraha hadda la keenay jirka ciyaaryahanka ayey wax weyn ka tarayaan.”
Sidoo kale macallinka oo hadalka sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray: "Dhallinyarada hadda meesha jooga waa kuwa yar yar waxa ay u badan yihiin kuwa aan waayo-arag aheyn, xiddigaha waxaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen kubad casri ah taasna waxaa ay ku timid garoonka aan haysanno ee cows-ka uu yaalo.”

Mar wax laga weydiiyay waxa kale ee uu qaran u baahnaan karo ayaa waxaa kuu jawaabay macalin Cawil Ismaaciil Maxamed: “Qaran waxa uu u baahan yahay heykal dhan wax uu hal xiriir sameeyn karo ma’ahan, waxaan rajeynayaa in dowladda xaggeeda wax badan laga helo, qaranku waxa uu baahan yahay in loo wada gurmado.”

Axmed Tahliil Cali waxa uu ka mid yahay ciyaartooyda ku jirta xulka qaranka Soomaaliya waxaan la kulanay, isagoo tababarka ku jira waxana weydiinay sida uu yahay diyaar garoowgooda: “Tababarkaan waa kii ugu sarreeyay abid inta aan tababar soo sameeynayay, waana mid loo tababaranayo 23-sanno jirrada Soomaaliya, waxaan dareemeynaa culeys badan, waxaan uu macallinka diyaar u yahay inuu na saaro cadaadis badan.”

Sidoo kale Sacad Saalax Xuseen oo isna ka hadlay tababarka ay qaadanayaan ayaa waxaa uu tilmaamay: “Ma’ahan tababarka mid nagu cusub horayna waan u soo sameeynay, laakiin tababarka ayaa kala xoog badan, waxaana rajeynayaa dhammaan tartamada aan aadi doono inaan wax ka keenno.”

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan la rajeynayaa inay wax badan ka beddelaan natiijada ay ka soo heli jireen tartamada ay dibadda u aadaan, arrintaan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli guddoomiye cusub oo dadaal badan loo doortay hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip