Manchester United vs Queen's Park Rangers‏

0
Sunday September 14, 2014 - 16:05:19 in Sports by
  • Visits: 5167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United vs Queen's Park Rangers‏

    Kooxda Man United ayaa galabta soo dhaweyn doonta kooxda Queen's Park Rangers iyadoo baadigoobeysa guusheedii ugu horeysay horyaalka Ingiriiska xagaagan xili ay kooxda soo qaadatay ciyaartoy xoog leh oo qiimo badan ku kacay waxaase looga fadhiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man United ayaa galabta soo dhaweyn doonta kooxda Queen's Park Rangers iyadoo baadigoobeysa guusheedii ugu horeysay horyaalka Ingiriiska xagaagan xili ay kooxda soo qaadatay ciyaartoy xoog leh oo qiimo badan ku kacay waxaase looga fadhiyaa ineey kooxda ka qaadaan abaarta guul la'aanta ah ee heysata.
Kooxda Man United ayaa galabta soo dhaweyn doonta kooxda Queen’s Park Rangers iyadoo baadigoobeysa guusheedii ugu horeysay horyaalka Ingiriiska xagaagan xili ay kooxda soo qaadatay ciyaartoy xoog leh oo qiimo badan ku kacay waxaase looga fadhiyaa ineey kooxda ka qaadaan abaarta guul la'aanta ah ee heysata.




Manchester United vs Queen’s Park Rangers

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 6:00 (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB

Kooxda martida loo yahay ayaa kaliya ka warqabta in Phil Jones uusan ka qeyb qaadan doonin kulankaan kaas oo dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray xili uu qarankiisa matalayay, balse war fiican ayey ka heleen dhaawaca Herrera oo dib ugu soo laabta tababarka isla markaana diyaar ah iyadoo ay taas sii dheer tahay in Blind, Falcao iyo Rojo ay rajeynayaan iney markii ugu horeysay xirtaan maaliyada Red Devils.

Dhanka kale Saxiix cusub ee kooxda QPR, Sandro ayaa filanaya inuu kulankiisii ugu horeeyay u safto kooxdiisa cusub, halka wiilka waalida Joe Barton isna uu diyaar u yahay inuu wajaho United.

MA OGTAHAY?

Manchester United ayaan guuldaro kala kulmin QPR 12-kulan oo ay ku kulmeen EPL-ka, 10-jeer ayey garaaceen, halka laba jeerna ay barbaro galeen.

Markii ugu dambeysay oo ay United aysan wax gool ah ka dhalin QPR kulan labada kooxood ku dhexmaray Premier League waxey aheyd 1992, ciyaar 0-0 ku dhamaatay oo ka dhacday Old Trafford.

Kuna darso in kulankaas uu ahaa kulankii ugu horeeyay ebid ay kulmaan labada kooxood kuna kulmaan Premier League

Tan iyo 2009-10, Falcao wuxuu dhaliyay 104-gool, kulamada horyaalka marka la isku geeyo goolasha uu u dhaliyay Porto, Monaco iyo Atletico Madrid.

Kaliya sadex xidig ayaa ka beegsi badan daafaca QPR Steven Caulker (Sterling, Sturridge iyo Bony) wuxuuna sameeyay todoba isku day iyadoo lix ka mid ah uu madax yahay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester United (4-3-1-2):

De Gea; Rafael, Evans, Rojo, Shaw; Herrera, Blind, Di María; Rooney; Van Persie, Falcao.

QPR (4-3-1-2):

Green; Isla, Caulker, Ferdinand, Hill; Phillips, Sandro, Kranjcar, Hoilett; Fer; Austin.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip