Xuski siyaarada Sheekh Cabdullaahi Qudubi oo si weyn leysugu soo baxay Magaalada Manchester (Sawiro).

0
Tuesday May 03, 2016 - 00:16:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4985
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuski siyaarada Sheekh Cabdullaahi Qudubi oo si weyn leysugu soo baxay Magaalada Manchester (Sawiro).

    Magaalada Manchester ee cariga boqortooyada Ingiriiska ayaa maalinimadi axada waxa lagu qabtay xuska siyaarada Sheekhi weynaa ee cilmiga iyo dariiqada Sheekh Cabdullaahi Qudubi iyadoo si weyna xuska sheekha ee uga soo qeybgaleen qeybaha kala gedisan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Manchester ee cariga boqortooyada Ingiriiska ayaa maalinimadi axada waxa lagu qabtay xuska siyaarada Sheekhi weynaa ee cilmiga iyo dariiqada Sheekh Cabdullaahi Qudubi iyadoo si weyna xuska sheekha ee uga soo qeybgaleen qeybaha kala gedisan ee bulshada Muslimiinta ee kunool magaaladaasi.
Xuska Sheekha oo sanad waliba xiligaan oo kale lagu qabto magaalada Manchester ayaa sanadkaani waxa u lahaa bishaaro gaar ah iyadoo qur’aan aqriska kadib ee jameecaadki kasoo qeybgalay xuska sheekha waxey oogeen Xilqooyin dikri macaan badan oo gilgilay qulubta mucashaqiinti owliyada Alle ee alle usaqiray iney soo xaadiraan xuska Sheekha.

sidoo kale waxa muxaadarooyin aad umacaan badan halkaa kasoo jeediyay qaar kamid ah mudarasiinta ugu caansan wadanka Ingiriiska, Sheekh Axmed Xuseen, Sheekh Axmed Mataan iyo Sheekh Axmed Fanax-

Culimada ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta sooyaalki quruxda badnaa ee culuma’udiinka ahlusunah waljamaac iyo sida ee ugu soo halgameen kor ahaanshaha diinteena sharafta badan iyadoo sidoo kale culumada ee halkaa kasoo jeediyeen erayo guubaabo iyo dhiro gelin isugu jirto.

Gabagabadi siyaarada ayaa waxa halkaa ugu duceeyay dadki kasoo qeybgalay siyaarada, Sheekh Maxamed Rufaaci oo ah sheekha sida gaarka ah xilka isaga saray habsami uqabsoomida siyaarada Sheekha ayaa waxa uu alle uga baryay in barakada sheekha culeyska muslimiinta uga qaado gaar ahaan Soomaaliya ilaahey kusoo dabaalo nacab lagu nasto.

Sheekh Maxamed Rufaaci ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday Xuska Mashaa’iqda in laga helo qanacaad iyo tarbiyo wanaagsan oo shukri iyo xamdi isugu jirtay.

Jawiga siyaarada ayaa kusoo idlaaday farax iyo ijaabo

W/D: Muridi Sheekh Xuseen Sheekh Maxamed Faqiih Yusuf


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip