Ra'iisal Wasaare C/Weli oo Garowe ka degay (Waa maxay socdaalkiisa?)

0
Friday October 10, 2014 - 18:05:37 in Wararka by
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare C/Weli oo Garowe ka degay (Waa maxay socdaalkiisa?)

    Raiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka degay Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Puntland iyo dadweyne fara bada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka degay Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Puntland iyo dadweyne fara badan.
Wafdiga Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro iyo saraakiil, wuxuuna Ra'iisal Wasaaraha u mahad naqay dadweynaha sida diiran ugu soo dhoweeyay magaalada Garowe iyo maamulka Puntland oo uu sheegay inay u muujisay isku duubnimada ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka Puntland.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa si weyn u xoojiyay nabadgelyada, iyadoo waddooyinka qaarkood laga celiyay gaadiidka iyo dadweynaha, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan, kuwaasi oo iyagu doonayay inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta wafdiga Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe waxaa kulan ballaaran ku dhex maray wafdiga Ra'iisal Wasaare C/Weli iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas, iyagoona ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin inay isla meel dhigaan cabashooyinka maamulka Puntland uu ka qabo Dowladda Federaalka.

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa Garowe joogaya muddo saddex maalin ah, isagoo mudada uu joogo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda Puntland si loo dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip