Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo shir uga furmay Garowe (Qodobada keenay khilaafka)

0
Saturday October 11, 2014 - 08:49:10 in Wararka by
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo shir uga furmay Garowe (Qodobada keenay khilaafka)

    Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka C/Weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka qeyb gelaya, waxaana shirkaas oo soconaya muddo laba maalin ah looga hadlayaa sidii ay labada dhinac iskula meel dhigi lahaaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka C/Weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka qeyb gelaya, waxaana shirkaas oo soconaya muddo laba maalin ah looga hadlayaa sidii ay labada dhinac iskula meel dhigi lahaayeen arrimaha keenay khilaafka.
Magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa maanta ka furmaya shir lagu dhameynayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, shirkaas oo ay ka qeyb gelayaan madax ka tirsan labada dhinac.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabaha ay labada dhinac isku khilaafeen ay ka mid tahay wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka Federaalka, taasi oo Puntland ku eedeysay Dowladda Federaalka.

Arrimaha kale ee ugu culus oo labada dhinac isku hayaan waxaa kale oo ka mid ah maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka inay Dowladda Federaalka caddeyso, iyadoo maamulka Puntland ku andacoonayo in gobolka Mudug uu isagu maamul, isla markaana maamulka Galmudug uu sheegto inuu isna ka taliyo.

Dhinaca kale shirka ayaa looga hadlayaa sidii labada dhinac ay isku afgaran lahaayeen, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha gargaarka, deeqaha waxbarashada, caafimaadka iyo samafalka ay Dowladda Federaalka qeyb ka siiso maamulka Puntland.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip