Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka jirta Gobolka Hiiraan

0
Friday October 24, 2014 - 12:47:24 in Wararka by
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka jirta Gobolka Hiiraan

    Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa labada dhinac ugu baaqay inay xabad joojin gaaraan, si loo joojiyo dhiiga macno darada ee ku daadanaya dagaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa labada dhinac ugu baaqay inay xabad joojin gaaraan, si loo joojiyo dhiiga macno darada ee ku daadanaya dagaalada.
Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa waxaa baaq loogu jeediyay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Deefow ee duleedka Beledweyne.

"Waxaan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqeynaa inay xabada joojiyaan, dagaalku waa fidno, waxba ma soo kordhinayo in dhiig qof muslim ah la daadiyo waa xaaraam"ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in dagaaladan ay ka faa'ideysanayaan Al-Shabaab, sidaas darteedna ay u tahay fursad ay dib isaga soo abaabulayaan.

"Dagaaladan cida ka faa'ideysaneysa waa kooxda Al-Shabaab, waxayna uarkaan inay sii socota fowdadan si ay dib u soo laabtaan"ayaa lagu yiri Bayaanka.

Ugu dambeyn Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa waxay ugu baaqeen odayaasha, waxgaradka iyo bulshada deegaanka inay u istaagaan sidii loo xalin lahaa colaada deegaanka Deefow ka jirta.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip