Gudd. Cirfo: "Waxaa jirta mushkilad hortaagan nabad ka dhacda gobolada dhexe"

0
Thursday November 06, 2014 - 10:56:02 in Wararka by
  • Visits: 1523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudd. Cirfo: "Waxaa jirta mushkilad hortaagan nabad ka dhacda gobolada dhexe"

    Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in nabad ka dhacda goboladaasi ay hortaagan tahay caqabad aad u weyn, taasi oo la xariirta dagaalada ku soo noqnoqday gobolada galgaduud oo ay mas'u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in nabad ka dhacda goboladaasi ay hortaagan tahay caqabad aad u weyn, taasi oo la xariirta dagaalada ku soo noqnoqday gobolada galgaduud oo ay mas'uuliyadeeda leeyihiin maleeshiyo beeleedyada hubeysan.
Waxa uu sheegay inay socdaan dadaallo nabadeed oo waxgaradka iyo odayaasha gobolka ay ka wadaan degmooyinka ay ka dhaceen dagaalada sokeeye, hase yeeshe wuxuu tilmaamay in maleeshiyo beeleedyada xilliyada qaarkood ay caqabad ku yihiin nabadda, isagoona sheegay in xiisadda dagaalada maleeshiyo beeleedyada u dhaxeysa ay tahay mid hor istaageysa sidii ay odayaasha uga wadahadli lahaayeen arrimaha nabadda.

"Waxaa jirta caqabad hortaagan nabad ka dhacda gobolada dhexe" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Md. Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo sheegay inay ku guuleysteen dagaal beeleedyo shalay ka dhacay degmada Xeraale iyo degmooyin kale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda federaalka iyo shacabka gobolka Galgaduud ay gaareen guulo dhinaca nabadeynta ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haddii aan maleeshiyo beeleedyada hubka laga dhigin aanay dhamaaneynin dagaal beeleedyada.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip