Xoghaye Kuwataro: "Shirkadda Albayrak dhaqaalaha ay ku faantay inay soo xareysay waxaa ka mid ahaa kharaj uu lahaa naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho"

0
Wednesday November 12, 2014 - 19:20:50 in Wararka by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghaye Kuwataro: "Shirkadda Albayrak dhaqaalaha ay ku faantay inay soo xareysay waxaa ka mid ahaa kharaj uu lahaa naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho"

    Waxaa sii kordhaya cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee iyagu ka shaqeysan jiray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladda Federaalka ay ku wareejisay shirkad Turkiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Albayrak, waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee iyagu ka shaqeysan jiray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladda Federaalka ay ku wareejisay shirkad Turkiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Albayrak, waxaana iminka qarka u saaran in naadigii Isboortiga Dekedda uu baaba'o, kaddib markii albaabada la isugu dhuftay xafiiskii uu ku lahaa Dekedda Muqdisho.
Xoghayaha naadiga isboortiga Dekedda Muqdisho C/llaahi Bashiir Nuur (Kuwataro) oo u waramayay shabakadaan ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ku saabsan sidii maamulka shirkadda Albayrak ay dib ugu furi lahayd xafiiskii naadiga, wuxuuna dadaaladaasi ay yihiin kuwo rajadooda yar tahay.

"Shirkadda Albayrak ayaa caqabad ku noqotay horumarka naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho" ayuu yiri Xoghaye Kuwataro oo sheegay in maamulka shirkadda Albayrak uu doonayo inuu baabi'iyo naadigii dekedaha oo uu sheegay inay qaateen dhaqaalihii uu lahaa naadigaasi.

Howlihii kala duwanaa ee Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho ayuu sheegay C/llaahi Bashiir Nuur (Kuwataro) inuu hakad ku yimid, isagoona sheegay in kooxaha naadigaasi oo meel sare uga jira heerarka Isboorti ee naadiyada dalka ka jira in iminka hoos u dhac weyn uu ku yimaado.

"Albayrak kharajka ay ku faantay inay ka soo xareysay Dekedda Muqdisho waxaa ka mid ahaa gunadii naadiga Dekedda Muqdisho" ayuu yiri Xoghaye Kuwataro oo sheegay in shirkaddaasi ay boobtay dhaqaale fara badan oo qaarkood ay lahaayeen xoogsatada Dekedda.

Xoghayaha naadiga isboortiga Dekedda Muqdisho ayaa ugu baaqay Dowladda federaalka, xiriirka isboortiga Soomaaliya iyo cid kasta oo ka damqaneysa sare u qaadida isboortiga dalka inay wax ka qabato dhibaatada shirkadda Albayrak ay ku heyso Dekedda Muqdisho dhaqamadii gumeystii dalka horay looga saaray.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

You have 1000 characters remaining.