Xildh. Xoosh: "Nicholas Kay ayaa faragelin ku haya Baarlamaanka"

0
Sunday November 16, 2014 - 09:32:55 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Xoosh: "Nicholas Kay ayaa faragelin ku haya Baarlamaanka"

    Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in cod loo qaado mooshinka ka dhanka ah Ra'iisal Wasaare C/Weli, wuxuuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in cod loo qaado mooshinka ka dhanka ah Ra'iisal Wasaare C/Weli, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xildhibaano tiro yar ay Baarlamaanka ka wadaan fowdo iyo buuq.
Xildhibaanka oo ka hadlayay wixii shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay inuu ka dambeeyo Nicholas Kay ergeyga Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya.

"Nicholas Kay ayaa faragelin ku haya Baarlamaanka" ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo caddeeyay in xildhibaanada tirada yar ee is hortaagaya codka loo qaadayo xukuumadda Ra'iisal Wasaare C/Weli ay isku halleynayaan gacmo shisheeye.

Waxaa kale oo xildhibaan Xoosh uu sheegay inaysan uga hari doonin sidii mooshinkooda xil ka qaadista ah ay u meel marin lahaayeen isla markaana loo ridi lahaa xukuumadda uu ra'iisal Wasaaraha ka yahay C/Weli Sheekh Axmed.

"Guddoonka Baarlamaanka wuxuu ka gaabiyay howshiisa, haddii uu arkayna xildhibaanada buuqa sameynaya wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka qabto isagoo kaashanaya ciidamada ammaana" ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibril.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip