Al-Shabaab oo sheegatay inay xalay madaafiic ku garaacday xarunta Villa Somalia & Dowladda oo beenisay

0
Monday November 17, 2014 - 01:53:31 in Wararka by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo sheegatay inay xalay madaafiic ku garaacday xarunta Villa Somalia & Dowladda oo beenisay

    Waxa uu sheegay Abuu Muscab oo u waramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in sababta ay madaafiicda ugu rideen Villa Somalia ay tahay iyadoo ay ku sugan yihiin madaxda iyo saraakiisha Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay Abuu Muscab oo u waramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in sababta ay madaafiicda ugu rideen Villa Somalia ay tahay iyadoo ay ku sugan yihiin madaxda iyo saraakiisha Dowladda Federaalka.
Afhayeenka dhinaca howl galada u qaabilsan ururka Al-Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in xalay ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaaceen xarunta madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasi oo sida uu sheegay gudaha xarunta madaxtooyada isla markaana waxyeelooyin kala duwan u geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka Shabaab in madaafiicda ay xalay ku rideen madaxtooyada ay qeyb ka tahay weeraro qorsheysan oo ay la beegsanayaan xubnaha Dowladda Federaalka oo uu sheegay inuu yahay bartilmaameedkooda ugu weyn.

Dhinaca kale Ridwaan Xaaji Cabdi Weli oo ah afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa beeniyay in xalay madaafiic ku soo dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia gudaheeda, wuxuuna sheegay in warka Al-Shabaab ka soo yeeray uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxa uu sheegay afhayeenka Dowladda in ammaanka Villa Somalia si weyn loo adkeeyay isla markaana warka Al-Shabaab uu yahay mid ay ku jaha wareerinayaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka.

Goob joogayaal ku sugan degmada Boondheere oo u dhow madaxtooyada ayaa sheegay in xaafadahooda ay ku dhaceen madaafiic dhowr ah, kuwaasi oo khalkhal geliyay dadka degan xaafadaha degmada Boondheere ee ku dhow Villa Somalia.

Ilaa iyo iminka lama sheegin qasaaraha rasmiga ah oo ay geysteen madaafiicdii xalay ku dhacday agagaarka xarunta madaxtooyada, iyadoo madaafiicdaan ay ku soo beegmeyso xilli magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan maalmahaan falal nabadgelyo xumo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip