Wararka ayaa sheegaya in xiisadda maanta ka dhacday degmada Raageceelle ay dhex martay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu hoggaaminayo Yuusuf Beled Gube iyo dadka degaanka, taasi oo ka dhalatay raashin mucaawino ah oo degmada Raageceelle la geeyay, kaasi oo ka koobnaa ilaa shan gawaarida xamuulka oo ay ku rarnaayeen raashin mucaawino ah, iyadoo Yuusuf Beled Gube uu isku dayay inuu dadka degaanka siiyo qeyb ka mid ah raashinkaasi, taasi oo ay ka hor yimaadeen dadka Raageceelle.
Degmada Raageceelle oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa la soo sheegayaa inay ka aloosan tahay xiisad u dhaxeysa Yuusuf Beled Gube oo degmadaasi Guddoomiye ka ah iyo dadka ku dhaqan degmadaas.
Qaar ka mid ah odayaasha degmada Raageceelle oo qadka isgaarsiinta kula soo xiriiray warbaahinta ayaa ku eedeeyay Yuusuf Beled Gube inuu mas'uul ka yahay wixii ka dhaca degmadooda, isagoo doonaya inuu leexsado raashinka gargaarka oo dowladda Federaalka ugu talo gashay in la gaarsiiyo shacabka degaanka.
Xiisada maanta ka dhacday degmada Raageceelle ayaa sababtay inay isku dhacaan shacabka iyo ciidamada Dowladda ee degmadaasi ku sugan, iyagoo ciidamada ay rasaas ku rideen dadweyne loo sheegay in la siinayo raashin mucaawino ah.
Dhinaca kale Waxgaradka ayaa sheegay in maalinta berri ah degmadaasi uu ka dhacayo kulan u dhaxeeya waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan degmada Raageceelle, kaasi oo ku saabsan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan halkaasi ka aloosan, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka baxayaan odayaal iyo waxgaradka beesha Yuusuf Galmaax si ay u qaboojiyaan xiisadda.
Yuusuf Beled Gube oo leexsaday raashin gargaar ah iyo xiisad ka aloosan degmada Raageceelle
Wararka ayaa sheegaya in xiisadda maanta ka dhacday degmada Raageceelle ay dhex martay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu hoggaaminayo Yuusuf Beled Gube iyo dadka degaanka, taasi oo ka dhalatay raashin mucaawino ah oo degmada Raageceell