Xaflad balaaran oo si weyn loo soo agaasimey oo lagu dooranayey gudoon cusub oo markii ugu horeysay ku mideysan yihiin sadexda gobo l Gedo,jubada hoose & jubada dhexe ee kubadda cagta ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kmg ee Jubba.
Xaflada ayaa waxaa kasoo qeybgalay bahda isboortiga,taageeraal,ciyaaryahano hore,dhalinyarada iyo haweenka,iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen,ergooyin ka kala socdey sadexda gobol, laacibiin ka timid dalka dibadiisa iyo ganacsatada j/hoose ku dhaqan.
Gudoomiyaha Olympikada gobolka Jubadda Hoose Aaden cabdi Qeyliye (Sanka) ayaa ugu horeyntii halkaasi ka jeediyey qudbad soo dhoweyn ah,isagoo sheegay in hadii ay yihiin Olompikada J/hoose farxad u tahay in doorashada xiriirka ee jubbaland lagu qabto magaalada Kismaayo,aadna u mahadsanyihiin martidii ka timid gobolada iyo degmooyinka Jubaland ee todobaadyo kusugnaa Kismaayo doorashadan darteed.
Suleymaan cabdi bedel oo ahaa madaxa gudiga doorashada ayaa halkaasi ka sheegey in musharax Cabdi Xaq maxamed Axmed uu isu soo sharaxay xilka gudoomiyenimo ee xiriirka kubadda cagta Jubaland State,aysana jirin musharixiin kale oo la tartameysa sidaa darteed cod gacan taag ah ay u dhici doonto doorashada,iyadoo halkaasi joogeen wakiilada min 2 ergo oo sadexda gobol ka socdey.
Gudoomiyaha Isboortiga J/dhexe C/samad xuseen iyo C/qaadir sheikh oo magaca Gedo ku hadlayey,kana socdey degmada Luuq ayaa halkaasi,kasoo jeediyey ereyo ay ku amaanayaan maamulka Kismaayo sida diiran ee ay ugu dhabar adeygeen qabashada Doorashadan kubadda cagta ee taariikhiga ah,ayna diyaar u yihiin in gudoomiye samata bixiya baahida garoomada iyo qalabeynta goboladooda la doorto,uuna soo dhiso guddi howl kar ah oo Kubadda cagta horumariya.
Kadib ayaa waxaa Cod loo qaaday Musharixii u taagnaa xilka Gudoomiyaha XKC ee Jubbaland State C/Xaq Maxed Axmed oo kamid ahaa ciyaaryahanadii guulaha u horseeday gobolkaasi,waxaana halkaasi Codka gacan taaga ah ku siiyey dhamaan lixdii xubnood ee sadexda Gobol ka kala socdey,halkaa oo sacab lagu soo dhoweeyay loguna dhawaaqay inuu afarta sano ee soo socota uu hayo xilkaasi Kubadda cagta ee Jubbaland.
Suldaan Maxamed deeqow Macalin oo kamid ahaa laacibiintii dalka,gaar ahaan kooxdii Horseed,iyo macalin soo saaray ciyaaryahano badan oo qaaradda yurub ka dheesha,ayaa halkaasi ka jeediyey qudbad taariikhiya,isagoo doorashadaasi kutilmaamay mid farxad leh,oo uu kubadda cagta goboladaasi u horseedi karta iney horumaraan,maadaama ninka xilkaasi loo dhiibay uu yahay Laacib magac ku dhex leh bulshada iyo gobolka,uuna iminka yahay macalin kooxaha dibadda gaar ahaan dalka Austrelia soo leyliyey oo heysta shahaado sare.
"Anigoo ka wakiil ah ururada Isboorti ee ka dhisan dalalka qaaradda Yurub oo aan deganahay waxaan balan qaadayaa inaan kala shaqeyno horumarinta iyo qalabeynta kubadda cagta goboladaa jubbaland iyo xiriirkooda cusub,iskuna xiri doono yurub iyo xiriirka Jubbaland”ayuu halkaasi ka sheegay Legend Deqow.
C/qaadir Yoontooy oo kamid ahaa laacibiintii Jubadda Hoose ayaa halkaasi ka jeediyey dareenkiisa iyo sida uu ugu faraxsan yahay in leysku xiro kubadda cagta sadexda gobol,isagoo qirey in C/Xaq uu ka shaqeynayo sidii Kubadda cagta goboladaa usoo dhacsan lahaayeen xuquqdooda ayna gacan ku siinayaan howsshaaasi.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha la doortey ee C/xaq maxed Axmed ayaa halkaasi ugu mahadceliyey dhamaan kasoo qeybgalayaashii iyo ergadii gobolada ka socotay ee Codkooda siisay,isagoo balan qaaday inuuu sida ugu dhaqsiyaha badan Isbedel looga dareemi doono kubadda cagta goboladaasi iyo degmoooyinkiisa.
"Ujeedaeyda maaha jago doon oo keliya howshaan waxaan u arkey mid shaqo u baahan,sidii aan horumarinta iyo kor u qaadista kubadda cagta dhan walba uga shaqeyn lahayn ayaadna ii doorateen,waana muhiim inaad gacan igu siisaan qof walba oo jecel kubadda cagta goboladaan waan soo dhoweynayaa keligeey wax ma wadi karo cid aan diidayana ma jirto oo aan gooni u faquuqayo”ayuu raaciyey.
Gudoomiyaha Cusub C/Xaq ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhameystiri doono gudiga fulinta ee Xiriirka Kubadda cagta Jubaland state,maadaama uu xeerka u ogolaanayo inuu isaga soo magacaabo,kadibna uu balan qaaday inuu safari ku tegi doono degmooyin katirsan Gedo si uu wada tashi ula sameeyo bahda Isboor ee halkasi joogta una ogaado baahidooda dhanka garoomada iyo qalabeynta.
Si kastaba doorashada Maamulka Kubadda cagta ee Jubbaland ee sadexda Gobol Gedo iyo labada Jubbo ayaa dadkii kasoo qeybgalay wejiyadooda ka muuqatay farxad,iyadoo dadkii magaca ku dhex lahaa Isboortiga Jubadda hoose ee halkaasi joogayna laga xusi karo,Bishaar Axmed Kaatta,C/qaadir Yoontooy,Dr Jeelle,Sangooy,Asad cabdi geedi,C/risaaq farta,Xaliimo kaltaay,C/raxmaan shariif Shinyaallow iyo qaar kale.
W/qorey:C/xafiid C/samad zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com
Xiriirka K/Cagta ee Jubbaland State oo la doortay + Sawirro
Xaflad balaaran oo si weyn loo soo agaasimey oo lagu dooranayey gudoon cusub oo markii ugu horeysay ku mideysan yihiin sadexda gobo l Gedo,jubada hoose & jubada dhexe ee kubadda cagta ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kmg ee