Wafdiga Jaamacadda Carabta oo sameeyay ballanqaadyo farxad geliyay shacabka Soomaaliyeed

0
Tuesday December 02, 2014 - 18:51:08 in Wararka by
  • Visits: 2085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdiga Jaamacadda Carabta oo sameeyay ballanqaadyo farxad geliyay shacabka Soomaaliyeed

    Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta qado sharaf u sameeyay wafdiga ka socda Jaaamacadda Carabta oo shalay Muqdisho soo gaaray, kaasi oo ku saabsan soo dhaweyn, iyadoo uu ka qeyb galay safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Somaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta qado sharaf u sameeyay wafdiga ka socda Jaaamacadda Carabta oo shalay Muqdisho soo gaaray, kaasi oo ku saabsan soo dhaweyn, iyadoo uu ka qeyb galay safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Somaaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee gobolka Benaadir Maxamed Aadan Guuleed "Caano geel” oo hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay farxad u tahay inay soo dhaweeyn u sameeyaan wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta.

Kulanka qadada ah ayaa la isku dhaafsaday aaraah kala duwan oo ku aadan sida ay Jaamacadda Carabta uga qeyb qaadan karto mashaariicda horumarineed ee ka socda Caasimadda.

Faiz Mohamed Al-Mudeiri oo ah mas’uulka hogaaminaya wafdiga Jaamacadda Carabta ka socda, isla markaana ah safiirka Dowladda Kuwait u fadhiya Dalka Jabuuti ayaa maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay casuumadda ay u fidiyeen.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Carabta iyo maamulka Gobolka Benaadir ayaa socod ku soo maray xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta ay horu dhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo R/waaare ku-xigeenka dowladda Kuwait oo maalmaha soo socda lagu wado in uu soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip