Arsene Wenger: "Lama oran karo koox hebel ayaa tartankaan ku guuleysaneysa"

0
Wednesday December 03, 2014 - 19:22:16 in Wararka by
  • Visits: 1739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger: "Lama oran karo koox hebel ayaa tartankaan ku guuleysaneysa"

    "Lama oran karo Chelsea ayaa tartaan ku guuleysaneysa, waayo hadda waxaa la ciyaaray 13, waxaana dhiman 14-ciyaar" ayuu yiri Arsene Wenger oo u waramayay Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Lama oran karo Chelsea ayaa tartaan ku guuleysaneysa, waayo hadda waxaa la ciyaaray 13, waxaana dhiman 14-ciyaar" ayuu yiri Arsene Wenger oo u waramayay Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalada London ee wadanka Ingiriiska.
Macallim Arsene Wenger ayaa faahfaahin ka bixiyay tartanka Premier League, isagoona meesha ka saaray in kooxda Chelsea oo haatan ugu horeyso kooxaha u tartamaya aan la oran karin inay ku guuleysaneyso.

Macallimka ayaa sheegay in kooxaha u tartamaya horyaalka Premier League ay rajo weyn ka qabaan inay ku guuleystaan, wuxuuna tilmaamay in rajada kooxahaasi ay qabaan haatan ay yihiin kuwa ugu hooseeya.

Dhinaca kale Macallim Arsene Wenger ayaa sheegay in xilligaan aan loo saadaalin karin mid ka mid ah kooxaha horyaalkaasi u tartamaya, isagoona hoosta ka xariiqay in kubaddu ay tahay cad iyo madow, koox rajo qabtay inay hoos tagto iyo koox rajadeedu hooseysay inay ku guuleysato horyaalkaasi ayaa dhici kareysa.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip