Dalka Kenya oo caado ka noqotay falal ay dhibsadaan qoysas badan (Warbixin dhinacyo badan)

0
Thursday December 11, 2014 - 14:07:57 in Wararka by
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Kenya oo caado ka noqotay falal ay dhibsadaan qoysas badan (Warbixin dhinacyo badan)

    Dumar badan oo ku nool qaaradda Africa ayaa lagu qasbaa inay guursadaan rag aysan raali ka aheyn kadib marka ay xoolo kala baxaan waalidkood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dumar badan oo ku nool qaaradda Africa ayaa lagu qasbaa inay guursadaan rag aysan raali ka aheyn kadib marka ay xoolo kala baxaan waalidkood.
Wadamada dhaca bariga Africa dalka Kenya ayaa hadda ka mid ah wadamada ugu badan ee gabdhaha yar yar guurka lagu qasbo walibo lagu daro rag da’ ahaan ka waa weyn kuwaasoo xoolo ka bixiya.

Wargayska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa baahiyay sawiro laga soo qaaday xaflad guur ah oo ka dhacday mid ka mid ah gobolada dalka Kenya gaar ahaan gobolada ay degaan qabiilka Pokot,ka la yiraahdo.

Sawirada la baahiyay waxaa ka muuqanaya gabar 14 sanno jir ah oo lagu daray nin da’da Sodomeeyadda maraya oo aysan raali ka aheyn waxaana la daawaday gabadha oo loo jiidayo guri u samaysan sida aqal Soomaaliga oo kale oo loogu talo galay in lagu guursado.

Ninka guursaday gabadhaas ayaa aabaheed siiyay 20 neef oo ari ah, Sadex neef oo geel ah iyo 10 Sacaad waana sida dhaqan ahaan qabiilkaas looga guursado.

Xoolaha gabadhaas laga baxshay mid ka mid ah ayaa goobta guurku ka dhacayo lagu qashaa waxaana hilbaheeda cuna ragga xaflada guurka kasoo qeyb galay.

Waalidiinta qabiilkaan ayaa iyagu doora ninka gabdhahooda guursanaya ayagana ayaana la hashiiya sida uu ku doodayo oday dhaqameed

Xeerka qabiilkaan u yaala ayaa dhigaya in ninka gabadha guursaday uu xoog ku wato haddii ay is adkaysanaya waxaa loo ogolyahay inuu jir dilo oo uu xataa uu jiido ama xataa waxaa horey u sii raaca oo la wada koox dhalinyaro ah oo degaanka u dhashay

Dhaqan ahaan Africa waa arrin iska caadi ah oo aanan lala yaabeyn in gabar lagu qasbo nin aysan raali ka aheyn oo xoolo laga qaatay.

Xigasho- Daily Mail

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip