Ixtifaalka Rasuulka CSW oo Si Cajiib Leh Looga Dhigay Nairobi

0
Monday January 05, 2015 - 16:00:00 in Wararka by Cali Sheekh Axmed
  • Visits: 3233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ixtifaalka Rasuulka CSW oo Si Cajiib Leh Looga Dhigay Nairobi

    Bisha Barkeysan Ee Rabiicul Awal Oo Ah Bil Astaan U Ah Mucaashiqiinta Nabigeena Suuban CSW Taas Oo Ay Kusoo Bandhigaan Ixtifaalaad Lagu Weyneynayo Xabiibka Suuban CSW Oo Dhalashadiisa Ku Beegantahay Bishaan Rabiicul Awal 12-keeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bisha Barkeysan Ee Rabiicul Awal Oo Ah Bil Astaan U Ah Mucaashiqiinta Nabigeena Suuban CSW Taas Oo Ay Kusoo Bandhigaan Ixtifaalaad Lagu Weyneynayo Xabiibka Suuban CSW Oo Dhalashadiisa Ku Beegantahay Bishaan Rabiicul Awal 12-keeda.

Iyadoo Ay Taasi Jirto Ayaa waxaa dalkaan Kenya Magaalo madaxdiisa Nairobi Sanadkasta Xilligaan Oo Kale Ay Mucaashiqiinta Rasuulka CSW kusoo bandhigaan Ixtifaalaad kala duwan Oo Lagu weyneynayo Xabiibkeena Suuban CSW Kuwaasoo lagu qabto goobo kala duwan sida Masaajidyo, Mowlacyo, Xaafado , Hotelo IWM.

Waxaa Ugu Ballaaran Ixtifaalaadkaas Midka maanta Oo kale laqabto oo Mucaashqiinta Rasuulka CSW Kusoo banaanbaxaan wadooyinka waaweyn ee Mara Suuqa weyn ee Islii (Eastleigh) ayagoo kuhadaaqaya Amaanta Xabiibkeena Suuban CSW.

Dadyowga Mucaashiqiinta Ah Ee Isugu soo baxa Ixtifaalkaan Lagu Weyneynayo Xabiibka Suuban CSW ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo kusocda lug, Gawaari, Mootooyin, Geelo Iyo Fardo waxaana ay wadooyinka u marayaan si nidaamsan oo ay kala dambeyn kujirto.

Bannaanbaxa ayaa waxaa dhax mushaaxaya gawaari cod baahiyaal saaran yihiin kuwaasoo lagu qaadayo Salawaadka Macaanta Badan Ee Xabiibkeena Suuban CSW iyo Muwaacido Kusaabsan Ixtifaalkaan Ballaaran Ee Xabiibka Suuban Lagu Weyneynayo.

Waxaa Gaba gabadii leysugu tagaa Howlka weyn ee New Eastleigh Primary School oo ah Meel aalaab sanadkasta lagu soo bandhigo muxaadaraadka kusaaban Ixtifaalka Xabiibka Suuban CSW Iyadoo Ay halkaasi kudiyaarsanyihiin Culamaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca ee Muxaadarooyinka Soo jeedin Lahaa.

Waxaana Ugu Horeyn Muxaadrooyinka Kusaabsan Ixtifaalkaan Soo Jeediyey Shariif C/llaahi Shariif Xasan Oo ah Imaamka Masjidu Saxaaba ama (Masjidka 12 Street) islamarkaana kamid ah Ahlubeytka Xabiibkeena Suuban CSW.

Shariifka ayaa waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday Ahmiyada Ay Umada Muslimiinta U leedahay Maalintaan Qiimaha Iyo Sharafka Badan ee Ku beegan Xilliga Uu Dhashay Xabiibkeena Suuban CSW wuxuuna Mucaashqiinta Rasuulka CSW ugu digay in ay ka feejignaadaan dadka neceb oo diidan In la xuso Xabiibka Suuban CSW waxaana uu kubooriyey in lasii ballaariyo ixtifaalaadka nuucaan oo kale ah.

Sidoo kale Shariif Xasan oo Kamid ah culamada dalkaan kenya ayaa asigane kahadlay ixtifaalkaan ballaaran isagoo kuwacdinaayey luqada Kiswahiliga Iyo English-ka Wuxuuna Umadda muslimiinta ah ee dalkaan kenya Joogaan baaq ugu diaray in ay nabada kashaqeeyaan sababtoo ah diinteenu waa diin nabadeed oo naseexo ah Sida Uu Xabiibka CSW Noo sheegay.

Waxaa kaloo halkaasi Muxaadaro kajeediyey qaar kamid ah Culamaa'ul Azhar oo kasocdaan dalka Masar kuwaasoo aad ugu dheeraaday maxabada Xabiibka CSW heerka uu qofka shaqsiga ah ee Muslimka Ah kugaarayo iyadoo ay dad gaalo ah kuso islaameen aragtida Wajiga Nuurka Badan ee Xabiibkeena CSW Sida Shaacirka Weyn ee Xasaan Binu Thaabit RC.

Culamaa'udiin Farabadan ayaa halkaas muxaadarooyinka qiiro leh kasoo jeediyey waxaana ay dhammaan umadda Muslimiinta ah faren in ay Alle Kacabsadaan dariiqa Nabigeena Suubanne Raacaan islamarkaana ay jeclaadaan Nabiga Suuban CSW si aakhiro ay micigiisa u noqdaan Sida Uu Rasuulka Xadiith-kiisa ku cadeeyey ee ahaa "Qofka Shaqsiga ahi Qofka uu jecelyahay Ayuu micigiisa yahay" CSW micgiisa Allaah Nadhigo Aaamiin.

Ugu dambeyn Ixtifaalka waxa uu kusoo idlaaday si cajiib leh waxaana idiin leenahay hadaanu maamulka Shabakada Warsheekh Ciid Wanaagsan Kullu Caam Wa Antum Bikheyr Bishaan Barakeysan ee Mowliidka fadligeeda Dalkeena Somali Xasilooni Allaah Ugu soo dajiyo aaamiin.

Qoraa Iyo Sawir Qaade

Cali Sh Axmed (Caliyare)
Warsheekh-Nairobi-Kenya

                                                     Halkaan Hoos Kadaawo Sawirada Oo Dhan
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip