Daawo Sawirada: Kooxda barafka Somalia oo dib ugu laabtay ciyaaraha aduunka si weyna loogu soo dhaweeeyay Ruushka

0
Wednesday February 04, 2015 - 00:08:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 7162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Kooxda barafka Somalia oo dib ugu laabtay ciyaaraha aduunka si weyna loogu soo dhaweeeyay Ruushka

    Kooxda ciyaarta barafka ee Somalia Bandy ayaa markale ku qayb galaya ciyaaraha Bandy 2015 ee lagu qabanayo wadanka Ruushka iyagoo hada ciyaaray dhowr kulan oo dhamaantood laga badiyay balse la kulmay taageero aad u balaaran oo ay ka heleen shacabka R

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda ciyaarta barafka ee Somalia Bandy ayaa markale ku qayb galaya ciyaaraha Bandy 2015 ee lagu qabanayo wadanka Ruushka iyagoo hada ciyaaray dhowr kulan oo dhamaantood laga badiyay balse la kulmay taageero aad u balaaran oo ay ka heleen shacabka Ruushka. Ciyaartii ugu dambeysay oo ay la ciyaareen xulka Shiinahaayaa looga adkaaday 1-8 tasoo ah horumar weyn iyadookulankii ka horeeyay ay Germany wada galeen 1-12.


Marka laga soo tago ciyaaraha looga awood roonaaday kooxda Soomaalia ayaa hadana ay noqdeen kooxda ugu taageerada badan dhamaan kooxaha ka qeyb galaya horyaalka aduunka ee Bandy 2015. Waxaa sawirada laga daawanayaa caruurta iyo taageerayaasha ruushka oo calanka Somalia ku soo sawiray jirkooda iyagoo ku qaylinayay Somalia Guul Guul isla markaana lulaya calanka Somalia.

Kooxda Somalia Bandy ayaa sidoo kale caan ka noqday dhamaan daafaha Sweden ka dib markii laga sameeyay filimka aadka loola dhacay ee Trevligt Folk kaasoo la filayo in uu noqdo filimada ugu fiican ee sanadkii tagay laga sameeyay dhamaan Sweden ama qaarada Yurub. Filimkaas ayaa guud ahaan badalay aragtida laga qabo Soomaalida qaasatan kuwa ku nool magaalada Borlänge. Daawo Sawirada.

 

Somalia-bandy-2015-4

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip