Sweden oo ka cabsi qabta weeraro argagixiso

0
Wednesday February 18, 2015 - 02:06:32 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden oo ka cabsi qabta weeraro argagixiso

    Ka dib weerarkii ka dhacay Denmark maalintii sabtida ee lagu weeraray ninka Swedishka ah ee Lars Vilks iyo kaniisada Yuhuuda ayaa dowlada Sweden ku dhawaaqday in kor loo qaadayo amaanka, iyadoo qaasatan booliska ay ilaalo gaar ah ka qaban doonaan goo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib weerarkii ka dhacay Denmark maalintii sabtida ee lagu weeraray ninka Swedishka ah ee Lars Vilks iyo kaniisada Yuhuuda ayaa dowlada Sweden ku dhawaaqday in kor loo qaadayo amaanka, iyadoo qaasatan booliska ay ilaalo gaar ah ka qaban doonaan goobaha ay leeyihiin dadka Yuhuuda ah.
Raysal wasaaraha Sweden Stefen Löfven ayaa weerarka ka dib telefoon u diray dhigiisa Denmark, isagoo sheegay in aysan dowladiisa balan qaadi karin in arintaan oo kale aysan ak dhicin Sweden. Sweden ayaa hada ku sugan xaalad foojignaan ah iyadoo la ogyahay in ragg badan oo ka soo dagaalamay Syria iyo Iraq ay dib ugu soo laabteen Sweden lagana cabsi qabo in ay weeraro ka geystaan halkaan.

Weerarka ka dhacay Denmark ayaa la sheegay in uu geystay wiil Falastiini ah oo magaciisa lagu sheegayOmar Abdel Hamid El-Hussein kaasoo ku dhashay magaalada Copenhagen. Wiilkaan ayaa la sheegay in uu si aad u ah u xiisayn jiray arimaha Falastiin iyo Israel, isagoo warbaahinta qaar ay sheegeen in uu aad u necbaa Yuhuuda.

lofven

Somaliska

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip