Howlgallo ka Socda Degmada Howlwadaag Ee Gobolka Bnaaadir

0
Wednesday March 25, 2015 - 06:55:38 in Wararka by
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo ka Socda Degmada Howlwadaag Ee Gobolka Bnaaadir

    Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socda howgallo dad badan lagu qabqabtay kuwaasoo looga shakisan yahay in ay ku lug lee yihiin falal Amni Darro oo Ka dhacay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socda howgallo dad badan lagu qabqabtay kuwaasoo looga shakisan yahay in ay ku lug lee yihiin falal Amni Darro oo Ka dhacay Muqdisho
Howgallada ayaa ka billowday saakay aroortii degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir Halkaasi oo Xalay Lagu Dilay Ruux La Sheegya in uu ahaa Gudoomiye Kaam Kaasi oo Lagu Dilay Agagaarka Baar-Raxo Waxaa la arkayay ciidamo fara badan oo isugu jirra nabad sugida iyo booliska kuwaasoo xaley saqdii dhexe tagay degmadaas.

Goobjooge ku sugan degmada Howlwadaag ayaa warbaahinta u sheegay in howgallada lagu qabqabtay dad kor u dhaafaya ilaa 100 oo qof Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada ay galyeen guryaha qaar oo bartilmaameed u ahaa halkaasoo ay ka soo qabteen dad u badan dhallinyaro.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayay waxaana ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo ay geesanaayeen Al-Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip