Weerar dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari kenya

0
Wednesday April 01, 2015 - 12:02:05 in Wararka by
  • Visits: 1522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari kenya

    Wararka Aanu ka Heleyno Deegaanka Xagardheere Ee Degmada Mandheere Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ay kusoo Waramayaan in Halkaasi Lagu Dilay Macalin Bari ka Ahaa Iskuulada Xeryaha Qaxootiga Ee Xagardheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Aanu ka Heleyno Deegaanka Xagardheere Ee Degmada Mandheere Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ay kusoo Waramayaan in Halkaasi Lagu Dilay Macalin Bari ka Ahaa Iskuulada Xeryaha Qaxootiga Ee Xagardheer
Dableeyda Hubeesneey ayaa Waxaa ay Weerartay Xarunta Hay'adda Windle Trust oo ah Hay'adda Kaliya Ee Haatan Gacanta ku Heeysa Dugsiyadda Sare Ee Xeryaha Qaxootiga Dalkaasi Kenya Iyagoo Halkaasi ku Dilay Mid ka Mid ah Barayaasha Iskuulada oo ahaa Keenyaan

Weerarka lagu Qaaday Xarunta Hay'adda Windle Trust ayaa Waxaa sidoo kale La Sheegay in Lagu Dhaawacay Sedax Ruux oo ilalo ka Ahaa kuwaasi oo Rasas Is weeydaarsaday Iyaga Iyo Kooxahii Weerarka soo Qaaday

Ilaalada Waxyeelada ay kasoo Gaartay Weerarkaasi oo Gaareysay Sedax Ruux ayaa Waxaa loola Carayay Isbitaalka Guud Ee Xagardheer Halkaasi oo Lagula Tacaalaayo Xaafadooda Caafimaad

Ciidamada Booliska Kenya oo Halkaasi Soo Gaaray ayaa Waxaa la Sheegayaa in ay Halkaasi Ka Bilaabeen Howlgallo ay ku Baadi Goobayaan Kooxahii ka Danbeyay Falkaasi Lagu Dilay Macalin Islamrkaana Lagu Dhaawacy Sedax Ruux
ilaa iyo Hadda ma Jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkaasi Hase'ahaatee Weerarada ka dhaca Dalka Kenya Waxaa Dusha U Ridata al-shabab
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip