Muuse Cabdi Caraale waxaa uu intaasi kudaray in dowladda looga baahanyahay in goobaha ay ka arimiso ee lagu dhibaateeyo shacbiga ay ka hergaliso go’aankii shalay ay ku dhawaaqeen.
Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumnar Iimaan Abuu Bakar Muuse Cabdi Caraale ayaa mar wax laga weydiiyay in ay hakinayaan dagaalada ay ku qaadaan dowladda KMG mar hadii ay ku dhawaaqday ku dhaqanka shareecada Islamka,waxaa uu ku jawaabay in dagaalada waxa keenaya ay yihiin joogitanka ciidamada Shisheeye ee gudaha Dalka iyo waxyaabo kale oo uu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin ku dhaqanka Dastuurka Imbagati iyo qaabka awood qeybsiga ee Afar Beel iyo Bar.
Hadalkaaani Ururka Xisbul Islaamka garabka uu hogaamuyu Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa waxuu kusoo beegmayaa xilli shalay baarlamaanka somaliya oo ansixiyay ku dhaqanka shareecada.
Xisbul Islaam oo soo dhoweysay Go’aankii oo shalay baarlamanka Somalia ku ansixiyay shareecada
Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar Muuse Cabdi Caraale ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii shalay ay mudanayaasha Barlamanku cod aan kala harlaheeyn iskula raaceen ku dhaqanka sha