Wasaarada Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Ayaa Waxaa ay shaaca Ka Qaaday in Ay Baadi Goobeeyso Milkiilaha Idaacadaha Shabelle iyo Sky Ee Magaalada Muqdisho Kuwaasi oo ay Shalay al-Baabada Iskugu Dhufteen Ciidamada Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya
Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud Milkiilaha Idaacadaha Shabelle iyo Sky ayaa Waxaa la sheegay in loo Heyso Cod la Xariira Afhayeenka al-shabab Shiikh Cali Dheere Kaasi oo laga Siidayay Idaacadda Shabelle Xili Horay Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ay u Mamnuucday
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Waxaa uu sheegay in ay Haatan Gacanta kusoo Dhigeen Maxamed Cabdi Xasan oo ahaa wariyahii Codka shiikh Cali Dheere Idaacadda Kasii dayay iyo Agaasimaha Idaacadaasi Maxamed muuse Waxuuna intaasi ku Daray in ay Daba Joogaan Milkiilahii Idaacaddaasi Shabelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud
Maxamed Yuusuf Cusmaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya Ayaa Waxaa uu hoosta ka Xariiqay in Idaacadda Shabelle ay ka Xad Gudubtay Amarkii kasoo Baxay Wasaarada Amniga islamarkaana ay Jabisay
Idaacadda Shabelle ayaa Waxaa ay Hawada ku Jirtay Mudo Isbuucyo ah ka dib Markii ay Hawada ka Maqneed 6 Bilood
Wasaarada Amniga oo Baadi Goobeysa Milkiilaha Idaacadda Shabelle
Wasaarada Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Ayaa Waxaa ay shaaca Ka Qaaday in Ay Baadi Goobeeyso Milkiilaha Idaacadaha Shabelle iyo Sky Ee Magaalada Muqdisho Kuwaasi oo ay Shalay al-Baabada Iskugu Dhufteen Ciidamada Dowlada Federaalka ah Ee Sooma