Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika (SASA) oo taageertay ansixinta ku dhaqanka Shareecada

0
Monday April 20, 2009 - 22:03:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika (SASA) oo taageertay ansixinta ku dhaqanka Shareecada

    Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfurta Afrika (Somali Association of South Africa “SASA”) waxay si wayn u soo dhawaynaysaa asixintii baarlamaanka Dawlada Midnimada Qaran ee Sh Shariif Shariif Sh Axmed iyo R/Wasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfurta Afrika (Somali Association of South Africa “SASA”) waxay si wayn u soo dhawaynaysaa asixintii baarlamaanka Dawlada Midnimada Qaran ee Sh Shariif Shariif Sh Axmed iyo R/Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke ay ku qaateen hirgalinta Shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya.

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,  Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfurta Afrika (Somali Association of South Africa “SASA”) waxay si wayn u soo dhawaynaysaa asixintii baarlamaanka Dawlada Midnimada Qaran ee Sh Shariif Shariif Sh Axmed iyo R/Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke ay ku qaateen hirgalinta Shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya.

Qodobkan ku dhaqanka Shareecada oo ay u codeeyeen 100% xubnihii Baarlamaanka ee ka qaybgalay shirku ayaa waxay Jaaliyadu u aragtaa inuu yahay mid muqadas ah oo aan gorgortan lahayn. Isla mar ahaantaas waxay Jaaliyadu u aragtaa in Shareecada Islaamka oo keliya ay tahay mida keeni karta labada shay ee Soomaaliya laga waayay 20kii sano ee la soo dhaafay oo ah Midnimo iyo Nabad.

Baraarujin

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii Dastuurada Dawladihii soo Maray Soomaaliya waxaa si cad ugu qeexnaa in Shareecada Islaamku ay aas aas u tahay sharci dajinta dalka waxaynuse ka dooranay shuruuc wadci ah oo noocyo kala duwan lahaa. Dawladihii:

Aadan Cabdille Cismaan, C/Rashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Siyaad Barre, Cali Mahdi Maxamed, C/Qaasim Salaad Xasan & C/Laahi Yuusuf, waxaa dhammaan qodobada ugu horaysa ugu qornaa in Shareecada Islaamka lagu dhaqo wadanka. Dhammaan dawladahaasi waxay si buuxda iyo in si aan buuxinba uga soo horjeedeen Shareecada Islaamka ee dastuurkoodu qorayay.

Kaliya ma aha dawladahaas qaarkood tabar daraayeen ee xataa ururadii qaab qabiilka ku dhisnaa ee markii danbe dalka burburiyay waxaa dhamaantood ugu qornaa dastuurka inay Shareecada ku dhaqayaan wadanka. Ururadaas waxaa ka mid ahaa:

SSDF, SNM, USC, SPM, RRA iwm. Dhinaca kale labada maamul goboleed ee Somaliland iyo Puntland waxaa labadaba u qoran in Shareecada Islaamka lagu dhaqayo goboladaas laakiin nasiib daro labadoodaba Shareecadaasi way dhaafi wayday meherka, furitaanka iyo in Quraanka lagu furo xafladaha oo kaliya.

Gabagabdii waxaan ku soo khatimaynaa in ansixinta Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecadu uusan noqonin sida kuwii hore oo kale oo si deg-deg ah loo bilaabo fulinta awaamiirta Quraanka Kariinka ah iyo Sunnada Nabiga (NNKH).

Ilaahay waxay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika uga baryaysaa in dhawaaqan ku dhaqanka Shareecadu uu noqdo mid dhab ah oo fula uuna u fududeeyo xukuumada hirgalintiisa.

Baaqan waxaa soo saaray Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika (SASA)

Cali Siciid Xasan & Axmed Dawlo

Tell 27 11 839 0939

Fax 27 11 837 8294

Website: http://www.somaliassociation.org/

Email: info@somalisomaliassociation.org

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip