Jeneraal ciidamada Burundi ah, ayaa sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada in ay shaqada ka eryeen madaxwayne Pierre Nkurunziza, iyadoo rabshado ay ka dhasheen qorshihiisa dib u doorashada mar sadexaad.
Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay in guddiga badbaadinta qaranka la dhisay si ay dalka u maamulaan Hase yeeshee, ma cadda inta ay la eg tahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.
Madaxwayne Nkurunziza ayaa hadda ku sugan Tanzania oo uu kula kulmayo hogaamiyayaasha bariga Africa si ay dhibaatada Burundi uga wada hadlaan. La taliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay afgambiga mid "kaftan" ah.
Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas dhab ah ku riday dad ku dibadbaxaya caasimadda Bujumbura Maanta.
eneraal Burundes ah oo lagu magacaabo Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay afgambi ka dhan ah Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo hada ku sugan dalka Tanzania.
Jeneraalkan ayaa bishii Febraayo laga eryay xilka Taliyaha Sirdoonka, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Madaxweynaha.
Ciidamo fara badan ayaa la geeyay xarunta warbaahinta dowladda, waxaana wariyeyaasha lagu amray in aysan dibada u soo bixin.
Qalalaasaha ka taagan dalka Burundi ayaa bilowday 26-kii bishii April, waxaana dibad baxyo ballaaran ay ka socdaan magaalooyinka dalkaas sida Caasimada Bujumbura.
Dibad baxayaasha ayaa ka biya diidan in mar saddexaad uu isa soo sharaxo Madaxweyne Nkurunziza, waxaana rabshadaha ka socda dalkaas ilaa iyo haatan ku dhintay19-ruux
Afganbi Horay Looga Digay oo ka Dhacay Burundi
Jeneraal ciidamada Burundi ah, ayaa sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada in ay shaqada ka eryeen madaxwayne Pierre Nkurunziza, iyadoo rabshado ay ka dhasheen qorshihiisa dib u doorashada mar sadexaad.